Maqaalada – Daafeet.com http://www.daafeet.com News iyo Barnaamijyada Redio Daafeet Tue, 11 Apr 2023 10:33:39 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.2 120544105 Qoyska Madaxweynihii Hore oo si gardaro ah u Xirtay Xildhibaanad Hore http://www.daafeet.com/2023/04/11/qoyska-madaxweynihii-hore-oo-si-gardaro-ah-u-xirtay-xildhibaanad-hore/ Mon, 10 Apr 2023 22:26:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=52005 (Lacago aan la aqoon, qirasho been ah iyo xukun afduub ah)

Xildhibaanad hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Muna Ibrahim Abiikar, ayaa si aan waafaqsaneyn sharciga – mu’aamarad (conspiracy) aay u sameeyeen qoyska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyagoo kaashanaya awoodda Maxkamadda Gobolka Banadir – ugu xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Kiiskan waxaa ka muuqda cadaalad darro la xiriirta lacago fara badan oo aan la garaneyn xalaalnimadooda, qirasho shaki ku jiro iyo xukun u eg afduubid.

Muddo ka badan laba sannadood ayeey xabsiga ugu jirtaa qirasho shaki-ku-jiro oo ah in lacago faro badan, oo aan la sheegin waxay yihiin iyo sida aay ku yimaadeen, oo aay ku soo sheegteen reerka madaxweynahii hore oo waqtigan xaadirka ah xildhibaan ah.

Xarriga marwadaan muwaadinka ah, horeyna u soo noqotay xildhibaan, waa xadgdub laga galay qodobka soo socda ee dastuurka ku meelgaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo hagayaasha la xiriira qirashada dambiyada iyo xukunka ciqaabta:

Qodobka 15 (2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa ka mid ah:

ka-reebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan.

Marwadaan, waxaa hore u soo guursaday nin uu adeer u yahay madaxweynihii hore, waana kala tageen. Markaas ka dib, sida aay sheegeen dad qoyskeeda ku dhow, waxaa shukaansi uu dhexmaray madaxweynihii hore walaalkiis.

Dadka qaar waxay leeyihiin xarigeeda wuxuu la xiriiraa in eey ogolaan weysay xiriirka uu ka damcay ninka aay walaalaha yihiin madaxweynihii hore.

Sidoo kale waxaa jira dad leh marwada iyo nimankaan qaraabada dhow la ah madaxweynihii hore waxaa ka dhaxeeyey ganacsiyo sharci-darro ah (warka saxda ah ee ganacsiyadaas waan la wadaagi doonaa dadweynaha markii baaritaankaas uu noo soo dhamaado), taasoo keeni karta in lagu qasbo qirashada eedeynta.

Haddii sida la sheegayo aay qiratay in raggaas qaraabada dhow la ah madaxweynihii hore aay ka qabto lacagtaas faraha badan. Maadaama marwadan la soo dacweeyey iyo reerka madaxweynaha aaysan isku awood ahayn, qirashada laftigeeda, waa haddii eey jirto, ayaa noqon karta mid awood loo isticmaalay oo qasab ah. Wuxuu ahaa waajib saaran maxkamadda in aay hubiso qirashadaas in aay tahay mid aay xor u tahay oo aaysan jirin cid cadaadis ku saartay. Si maxkamadda aay taas u sameyso waxay ahayd marka hore in aay hesho cadeymo (marqaatiyaal ama dukumentiyo) aay ku qanacdo oo la xiriira lacagtaas faraha badan meesha aay ka timi iyo sida aay marwada ku qaadatay iyo wixii aay ku sameysay. Taas ma dhicin.

Fashilka kale ee dhinca maxkamadda wuxuu la xiriiraa in aaysan xabis ama ganaax cayiman ku xukumin Marwo Muno I. Abiikar. Waxay u eg tahay xukun rasmi ah in uusan jirin, laakiin la faray in xabsiga in lagu

haayo ilaa lacagta eey ka soo celineyso. Ciqaabtaas waa sharci-darro xitaa haddii dambigaas eey gashay oo qirashadeedu tahay mid waafaqsan sharciga.

Waxaas oo dhan marka la fiiriyo xariga marwo Muna Ibrahim Abiikar waxa kaliya ee lagu macneyn karo waa mu’aamarad (conspiracy) afduub oo aay marwadan hooyada ah ku heystaan qoyska madaxweynihii hore Sheekh Sharif iyagoo isticmaalaya xiriirkooda Maxkamadda Gobolka Banadir.

Madaxda dowladda iyo Baarlamaanka Federaalkaba waa in aay faraan hey’adaha cadaaladda in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo kiiska marwadaan iyo xaaladaha ku gadaaman xiritaankeeda oo degdeg loo saxo haddii aay jiraan xadgudubyo lagu sameeyey cadaaladda. Waana in marka hore si degdeg ah xoriyaddeeda loo siiyaa marwadan oo ku xanuunsan xabsiga ilaa maxkamad daahfuran oo cadaalad ah laga hor keenayo.

Wa Bilaahi Towfiiq!

Waxaa Qoray: Abdulkadir Abow

Email: abow@idirect.co

]]>
52005
Aawey Odayaashii reer aw digil mansabka digil maxaa ka dhigey mid lagala tashado cali saciid faqi http://www.daafeet.com/2022/06/17/aawey-odayaashii-reer-aw-digil-mansabka-digil-maxaa-ka-dhigey-mid-lagala-tashado-cali-saciid-faqi/ http://www.daafeet.com/2022/06/17/aawey-odayaashii-reer-aw-digil-mansabka-digil-maxaa-ka-dhigey-mid-lagala-tashado-cali-saciid-faqi/#comments Fri, 17 Jun 2022 04:42:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=48150

Waa Su’aal aad u da weyn oo loo baahan yahay in shaqsi walbaa uu is weydiiyo Kursiga Gudomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed ma beel weynta Digil baa is kaleh mise Waa mid uu siduu doono ka yeelo Cali Saciid Fiqi islamarkaana u xiray hogamiyaha waqtigisu dhamaday ee Cabdicasiis Laftagaren.

Hadaba Waa shaqsi noocee ah Cali Saciid Fiqi Waa shaqsi kuso fashilmay Gudoonka Barlamanka Koonfur Galbeed oo mudadii shanta 4ta sano eheyd ee uu halkaasi joogey majirto wax uu halkaasi ka qabtey Hadana fashil ku dhax fadhiya Xilibanada Federalka.

Cali siciid faqi waxaa kaloo uusan aaminsaneyn mansabka uu halkaasi ku fadhiyo oo ah in uu yahay mid uu ku difaacayo danaha dadka dega deegaanada koonfur galbeed amaba aan si hoose u dhigee danaha digil iyo mirifle, Cali waxaa uu hormuud ka yahay kooxaha marka ay siyaasada geliyaan isticmaala magaca digil iyo mirifle kolka ay gaaraan danahoodana meel iska dhiga waa shaqsi aad iyo aad u han gaaban oo aan laheyn han weyn.

Intii uu hormuudka ka ahaa baarlamaanka konfur galbeed shacabka kooonfur galbeed waxaa ay filayeen in uu halkaasi wax badan ka bedelo isla markaasna horumar uu gaarsiiyo siyaasada guud ee maamulka koonfur galbeed halka uu dhigeyna waa waxa idiin wada muuqda waxaan maqli jirey maah maah oroneysa buug hortiis magal ahaaw taasoo micnaheedu yahay aqoonta hadii aysan karti ku jirin iyo dadnimo ku jirin in aysan wax qiimo ah lahen.

Sidoo kale Cali Saciid Fiqi wuxu ku fashilmay dhisidii Golaha Deganka Degmada Barawe isagoo reer Hawiye kasiyay dhowr xubnood oo aysan xaq u laheyn halka Digilkii kale ee deegaanka la degenaa uu u diidey waxaa kaloo uu khilaafkii ugu xumaa ka dhex abuurey beelweynta Tuni siweyna u dulmiyay Beesha Goygaal oo baaxad weyn kuleh degaanka Shabellaha Hoose.

Cali Siciid Faqi iyo teamkisa oo uu ugu horeyo Gudomiyaha Degmada Baraawe Liban waxaa ay xaraash ku hayaan dhulkii Degmada Barawe, dhacdadii ugu dambeysey ee beecinta dhulalka ayaa eheyd iney 250 boos ka gadeen dad aan Deganka xaq kulaheyn. Waxaase is weydiin leh Ali said Fiqi yuu u shaqeeyaa, Laftagarense maxuu kursigii Digil rahan ahaan ugu dhigay Ali Said fiqi.

Waxaase suaal ah away suldankii reer Tuni talo kuma laha miyaa deegaanka mise Ali Saïd fiqi aya isku ah siyasi iyo suldan? Aaway saladintii kale ee reer aw Digil madama kursiga yahay kursi Digil? Haduu Laftagaren siduu doono ka sameysto kuraasta Digil wa Suaale Odayaasha Digil miyay difaaci donaan kolka la gaaro bisha 12aad? koley inta badan Laftagaren dimiir kuma ogeyn Digile iney difaacaan ka yaab lakiinse waa hubaal inuu Laftagareen daadku qaadayo bisha 12aad sanadkan 2022.

Isku soo wada duub fashilka uu maanta fadhiyaan Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Siciid Faqi ma aheyn mid aan la ogeyn in sida ay xaaladu hada ku dhamaatey waa mid looga digey mar hore balse aragti xumadooda ay maanta halkaasi dhigtey, Sidaasi daraadeed Cabdi casiisoow ka faaiideyso waqtiga yar ee kuu haray garabna haka dhigan shaqsi aan wax qiimo ah ugu fadhin reerka uu kasoo jeedo wax dan ahna u heyn shacabka digil iyo mirifle isku dey in danaha gobolka shabelaha hoose aan kala tashato odayaasha dhaqan inta aad kala tashan laheyd maacuunta ay adeegsadaan dadka danaha ka leh digil iyo mirifle.

Qore Xasan Aweys Muumow

]]>
http://www.daafeet.com/2022/06/17/aawey-odayaashii-reer-aw-digil-mansabka-digil-maxaa-ka-dhigey-mid-lagala-tashado-cali-saciid-faqi/feed/ 3 48150
Xaggee loo wadaa Soomaliya?! http://www.daafeet.com/2022/04/14/xaggee-loo-wadaa-soomaliya/ Wed, 13 Apr 2022 22:27:49 +0000 https://www.daafeet.com/?p=47860

Waayahan waxaa taagnaa in xulashada/doorashada xildhibaanada Soomaaliya uu muran badan hareeyay, gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee xildhibaanada laga soo xulay/doortay deeganada Dawalad Goboleedka Koonfur-Galabeed. Xildhibaanada Dawlad goboleedkaa waxaa laga hakiyay saddex xildhibaan, oo lagu yiri looma marin habraacyadii xulashada/doorashada xildhibaanada Gollaha Shacabka. Waxaana eeddaa iska diiday oo ka horyimid Xildhibaanada la soo xulay/doortay iyo hoggaanka Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxayna Xildhibaanada badankoodu iyo Madaxda dawlad goboleedkaba go’aansadeen inaysan ka qayb gelin shahaadda bixinta ka socota xarunta Guddiga Doorashada Federaalka ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo markii horeba aysan sax ahayn, wax qanuun ah oo loo cuskan karana uusan jirin habka xulashada/doorashada ka socota dalka Soomaaliya, haddana waxa la yaab leh ah in wax wada hadal iyo wada xaajood arrimahaa ku saabsan uusan dhex marin Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, si loo xaliyo ama looga gun gaaro tabashada ka soo yeertay dhinaca Koonfur-Galbeed, maadaama ay arrimuhu ku socdeen wadatashi iyo wadar-ogol. Waxaana la leeyahay loo hakin maayo hawlaha dhaarinta xildhibaanada Gollaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sareba, iyadoo loo madlan yahay maalinta 14ta Bisha Abriile ee 2022da, sida uu Warbaahinta ku baahiyay guddoonka Guddiga Doorashada Federaalka.

Taasoo run ahaantii ka hor imaanaysa, xeerarka aasaasiga u ah dib-udhiska dawladeed ee Dalka Soomaaliya, sida uu qabo Dastuurka Qabya-qoraalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu leeyahay;

Cutubkiisa 5aad, Matelaadda Shacabaka, Qaybta 2aad,Qodobka 56aad; Mabaadii’da Doorashooyinka, Faqradda 3aad; In dhamaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan matelaad caadil ah.

Cutubka 6aad; Baahsanaanta Awoodda Dawladda ee Jamhuuriyadda, Qaybta 1aad, Qodobka 60aad; Mabaadii’da Federaalka ee Jamhuuriyadda, Faqradda 1aad, Xarafka (G)- Khilaafaadka oo wada hadal iyo heshiisiin lagu xaliyo.

Cutubka 7aad; Baarlamaanka Federaalka, qaybta 2aad, qodobka 72aad; Tirada Xubnaha Gollaha Shacabka, Faqradda 3aad; Tirada guud ee xubnaha Gollaha Shacabka waa inay matelaad isu dheelitiran ku yeeshaan dhamaan qaybaha Bulshada.

Qaybta 3aad, Qodobka 79aad; Xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; Aqalka Sare ee Baarlamaanka wuxuu metelaa Dawlad goboleedyada.

Qodobka 80aad, faqradda 3aad; Dhamaan qaybaha bulshada waa inay matelaad isu dheelitiran ku yeeshaan tirada guud ee Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Haddaba haddii sidaasi uu Dastuurka dalka tilmaamayo, siday suuragal ku noqon kartaa inuu guntamo ama ay qabsoonto dhaarinta iyo fadhiisinta Gollaha Barlamaanka, iyadoo bushadii Soomaaliyeed oo qaybaheeda qaar maqan yihiin, haddii loo eego dhinaca awood qaybsiga beelaha iyo dhinaca matelaadda Dawlad goboleedyadaba, waana xad gudub siyaasadeed iyo boob doorasho iyadoo la beegsanayo dad gaar ah, si xuquuqdooda aasaasiga ah loo duuddsiiyo.

Dhinaca kale arrimaha socda waxay u muuqdaan kuwa abaabulan oo si kutalagal ah loo sameeyay, si loo xagal daaciyo, tashwiish iyo jahwareerna loogu furo Isbahaysiga beelaha Digil iyo Mirifle, Dir iyo beesha Shanaad ee ay kaga arrinsanayaan qorshaha siyaasadeed ee qabashada hoggaanka sare ee dalka Soomaaliya oo ay beelo gaar ah (Daarood iyo Hawiye) isa siiyeen, kuna xafiltamayeen todobaatankii sannadood ee ugu dambeeyay, kuwaasoo dalkan dib u dhac dhaqan bulsha, dhaqan dhaqaalle, dhaqan siyaasadeed, burbur hanti guud iyo mid gaar ahba u gaystay, u horseeday shacabka barakac iyo qaxootinimo, Umadda Soomaaliyeedna dhex dhigay kala qo-qob iyo xudduudo qabiileed oo ay ugu yeereen Dawlad Goboleedyo, iyadoo dhabtii maamuladaasina ay yihiin Dawlad Qabiileedyo magacyada loo maldhahay.

Haddaba waa in laga feejignaadaa khiyaamooyinka la soo maleegayo ee magaca dawladeed la huwinayo, ee lagu dagayo guud ahaan inta ku dulman maamulka siyaasadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan reer Koonfur-Galbeed si aan loo kala dhantaalin isku duubnida shacabka, siyaasiyiinta, indheergradka iyo hoggaanka Dawlad goboleedka Koonfur-Galbeed iyo dadka Soomaaliyeed ee dano-wadaagta ay yihiin.

Axmad Suldaan

]]>
47860
Doorashada Socota Xal Ma Leedahay? http://www.daafeet.com/2022/04/09/doorashada-socota-xal-ma-leedahay/ Fri, 08 Apr 2022 23:22:15 +0000 https://www.daafeet.com/?p=47825

Doorashada ka socota Soomaaliya, oo runtii dadka oo dhan ka warqabaan ereyga – doorasho – in loo isticmaalo eeysan ku habooneyn, waa mid leh halis dib-u-dhac, keeni karta dagaalo, oo dowladnimada gebi-ahaanteedba lagu waayi karo. Waxaa loo baahan yahay in wadankaan la samata-bixiyo, dadkiisa loo turo, oo mustaqbalkiisa ku sii socda godka dheer la isku-dayo in laga badbaadiyo. Taas waxay ku imaan kartaa oo kaliya in dadka Soomaaliyeed aaysan noqon kuwo iska fiirsada xaaladda oo aay la yimaadaan xal ka duwan waxa socda.

Umadda waxaa looga baxay balamo badan oo rag dantooda ama marar badan dano-shisheeye u adeegaya ayaa isku heysta masiirkii iyo danihii shacbiga Soomaaliyeed oo la tacaalaaya dhibaatooyinkii badnaa ee ka soo gaaray dagaalada, abaaraha, dowlad-xumida iwm.

Waxaa la gaaray heer dastuurkii qabyada ahaa in la dhameystiri waayo oo dadka lagu jahwareeriyo muddo ku dhow labaatan sanno waxaa la dhameystiraayaa dastuur. Iyadoo waxyaabihii aasaasiga ahaa sida xuquuqda muwaadinka la inkiraayo maalin cad. Waad ogtihiin in “doorashadan” muwaadino badan oo gobol walba jooga laga hor istaagay in aay tartamaan iyadoo aan loo cuskan wax xeer ah amaba aan xitaa qiil yar loo sameynin. Waa ku takrifal awoodeed oo cad oo lawada og yahay. Waa fidno bilowgeed.

Markii “doorashada” min biloow ilaa dhamaad lagu soo waday musuqmaasuq nooc cusub oo malxiisnimo lagu sheegay, marka laga reebo kuraas faro-ku-tiris ah, ayaa gegabadii habraaca waxaa la keenay in la yiraahdo kuraas yar ayaa CADAALAD loo sameynayaa oo lagu celinaayaa. Waxaa ku xigtay qabiil baa anaga si gaar ah naloogu beegsanaayaa.

Shaqsiyaadka iyo guddiyada “cadaalad darrada” saxaaya iyo kuwa iska dhigaaya in aay difaacayaan qabiilkooda dhamaantood waa kuwo aan dan ka laheyn cadaalad iyo qabiil toona marka la fiiriyo taariikhdooda iyo dhaqankooda diiwaanka ku jira. Dan kama laha in la isku-baaba’o iyo in kale haddii aay u arkaan in iyaga aay dan ugu jirto.

Waxaa la joogaa waqti xasaasi ah oo bulshada haddii aaysan iska dhaafin ka falcelin la’aanta dulmiyada iyo ku-takrifalka lagu haayo masiirkooda halis loogu jiro in cawaaqib xumo ka timaado.

Waxaa hadda yimid – sideey doonaan ha ku yimaadaane – xubno baarlamaan oo ka kooban laba aqal. Haddii aay doortaan madaxweyne, qofkuu rabo ha noqdee, waxaa jiri doona qeybo dhan oo bulshada ka mid ah oo u aan arki doonin qofkaas in uu xalaal yahay. Waxaa la hubaa ra’iisul wasaaraha uu magacaabana in uusan heli doonin kalsooni shacab oo buuxda. Taas macnaheedu waxay tahay haddii laga baaqsado dhibaatooyin kale in lagu noqon doono xaaladihii sannadihii la soo dhaafay oo aan ka dheregsan nahay sideey ahaayeen.

Xalka muxuu yahay?

Waa lagama-maarmaan in wax laga bedelo qaabka wax u socdaan haddii la rabo in uu dhaco isbedel keeni kara in jahada qaldan ee uu wadanka u socdo laga soo weeciyo oo loo duwo dhinaca horumarka, danta-guud iyo waddaninimada. Xalku wuxuu ku jiraa in waxa hadda jira loo wareejiyo dhinaca toosan oo Soomaalida danteeda laga hormariyo wax walba. Aniga waxaan soo jeedin lahaa:

  1. In baarlamaanka xaadirka ah marka la dhameystiro oo aay kulmaan aay sameeyaan guddi ka kooban xubnaha baarlamaanka, culumaa’udiin, odayaal-dhaqan, dhalinyaro/dad aqoon leh, haween iwm. Guddigaas oo ka shaqeeya in aay soo xulaan shan iyo toban toban qof oo lagu tuhmaayo sharaf iyo hufnaan oo shan ka mid ah noqon doonaan Golaha Hogaaminta Dalka (Presidential Council).
  2. Golaha Hogaaminta Dalka oo ka koobnaan doona 5 xubnood waxaa dooran doona baarlamaanka ka dib markii aay guddiga baarlamaanka magacaabay u soo gudbiyaan 15 ka xubnood.
  3. Golaha Hogaaminta Dalka ayaa xubnihiisa midkiiba hal sanno uu ahaan doonaa guddoomiyaha Golaha (Madxweynaha dalka. Madaxweynaha oo ah guddoomiyaha waa qofka qabanaya howlaha madaxweynaha isagoo ku shaqeynaya go’aanka Golaha Hogaaminta Dalka.
  4. Afarta xubnood ee kale waxay noqon donaan guddoomiyeyaasha Guddiga Difaaca Qaranka, Guddiga Maaliyadda Qaranka, Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Garsoorka, Cadaaladda iyo Dastuurka Qaranka.
  5. Afartaas guddi waxaa sameyn doona baarlamaanka iyagaana la xisaabtami doona.
  6. Shanta Sanno ee soo socota Golaha Hogaaminta Dalka wuxuu dhameystiri doonaa dhisidda dastuurka, ciidanka iyo maxkamadaha muhiimka ah.
  7. Ka dib waxaa la sameeyn doonaa tirakoob sax ah, diiwaangelin iyo doorasho qof iyo cod ah.

Waxaan rajeynayaa in shan sanno ka dib jidkii saxda ahaa lagu soo noqon doono oo laga bixi doono jahawareerka iyo iska-daba-wareegga.

Allah weyn ninkii aaminaa awood leh!

(Waxaa yiri Abwaan Soomaaliyeed)

Waxaa qoray:

Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com

]]>
47825
Kiiska badda: Mar i dage Allah dago…. http://www.daafeet.com/2021/10/14/kiiska-badda-mar-i-dage-allah-dago/ Thu, 14 Oct 2021 12:15:09 +0000 https://www.daafeet.com/?p=46609

Waxaa qoray: Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com

Marka arrin mushkilad ah timaado waxaa la sameeyaa dadaalka ugu fiican ee suuragalka ah si loo xaliyo mushkiladda, ka dibna waxaa la isku dayaa in laga gaashaanto mustaqbalka si aaysan mar kale u soo noqon taasoo kale. Muranka badda ee soo jiitamaayey ilaa iyo 2009-kii waxaa lagu soo afjaray go’aankii maalintii shalay ee aay taariikhdu ahayd Talaado 12ka Oktoobar, 2021 iyadoo la dhihi karo guul weyn ayeey Soomaaliya ka gaartay. Inkastoo qeyb ka mid ah dhulkii la isku heeystay, oo aan ilaa hadda si sax ah waqtigaan loo shaacin baaxaddiisa iyo qiimaha dhaqaale ee uu leeyahay, loo xukumay Kenya. Marka, haddii mushkiladdii xal laga gaaray, waxaa loo baahan yahay in laga taxadaro in aaysan mar kale soo noqon iyadoo kale.

Si taas loo gaaro, waxaa loo baahan yahay in si fiican loo fahmo arrinta sidii aay ku timi iyo waqtiga eey timi iyo jilayaasha (xubnaha qeybta ka ahaa in aay arrinta sidaas u dhacdo). Su’aalahaasna jawaabo waafi ah loo helo.

2009kii waxaa mar kaliya soo baxay warar sheegaya in badda la gatay. Markaas ayaa la ogaaday in heshiis is af-garad (Memorundam of Understanding (MOU)) oo la xiriira arrinta badda aay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xigay in baarlamaanka la keenay MOU-ga si loo ansixiyo xilli shucuurta dadka gudaha iyo dibadaba aay aad u kacsaneyd halkaasna xubnihii golaha shacabka aay meesha ka saareen heshiiskaas iyagoo weliba diiday in aay dhageystaan xubnihii soo saxiixay ama wax ka ogaa.  

Wixii intaas ka dambeeyey talaabooyinkii dowladda Soomaaliya qaaday ee codsiga aay geeyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo heerarkii kala duwanaa ee habraaca maxkamadda ilaa go’aankii waxay ahaayeen kuwo daahfuran. Maalintii la sheegay in maxkamad la geeyey kiiska ilaa waqtiga xaadirka ah Kenya waxay u dhaqmeysay sidii in qorshe muhiim ah in laga horstaagey oo uu waaga ku baryey.

Waa iska cadahay in Kenya uu MOU-ga u ahaa muhiim oo waxay mar walba u soo xiganeysay in kiiska maxkamadda laga soo celiyo maadaama labada dal is-afgarad horey u dhexmaray. Laakiin, sidauu asal ahaan MOU-ga ku yimid weli lama oga. Warar kala duwan oo aaysan ka muuqan taxne taariikheed (chronological dates) oo lala xiriirinaayo shaqsiyaad (Wasiirkii Qorsheynta mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra’iisul Wasaarihii xilligaa mudane Cumar Abdirashid) iyo dowlado (Norway iyo Kenya) ayaa jira, laakiin xog tafatiran weli shacabka lalama wadaagin. Xitaa madaxweynahii hore mudane Sheekh Sharif Sh. Axmed in uu la socday heshiiska heerkaan gaaray weli su’aal ayaa ka taagan, oo isaga iyo ra’iisul wasaarahii waqtigaas waa ku muransan yihiin.

Asalka MOU-ga waa  muhiim in uu cadaado oo talaabo talaabo loo ogaado ciddii fikirka keentay, ciddii wax ka ogaatay iyo goortii aay ka ogaadeen. Weli ma heyno xogtaas. Illaa laga helaayana waxaa dul saarnaan doonto xukuumaddaas iyo madaxdii ku howlaneyd arrintaas shaki. Guusha laga gaaray kiiska meesha kama saareyso shakigaas.

Natiijada fiican waxaa keenay dadaalkii xukuumaddii ICJ geeysay dacwadda badda ee Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo qaadatay go’aan geesinimo leh. Sidoo kale  waxaa ku amaanan kiiskaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) oo dowladdiisa ku adkeysatay in laga warsugo natiijada maxkamadda. Waxaa mahad gaar ah oo intaasoo dhan ka weyn leh gabadha Soomaaliyeed ee qareenka ah ee la yiraahdo Muna Sharmaan oo door aan la ilaabi karin ku lahayd.

Sida cad, laaliddii uu baarlamaanka laalay MOU-ga waxba kama bedelin in maxkamadda ICJ aay isticmaasho heshiiskaas Kenyana aay ku dacwooto.

Haddaba, hal ama laba qofood saxiixooda haddii uu keeni karo qalqal iyo khatar intaas la eg, waa muhiim in laga hortago oo dastuurka wadanka lagu daro in heshiisyada caalamiga ah oo dhan aay qasab tahay in baarlamaanka ansixiyo. Taas haddii aaysan dhicin arrinta waxay noqoneysaa “Mar i  dage Allah dago, hadduu mar labaad i dagane anaa is dagey”

Abdulkadir M. Abow

]]>
46609
Fidnadii Afgooye iyo Fashilkii Dowladda http://www.daafeet.com/2021/08/31/fidnadii-afgooye-iyo-fashilkii-dowladda/ Tue, 31 Aug 2021 03:17:10 +0000 https://www.daafeet.com/?p=46232

Ku dhowaad afar qarni ka hor degaanka Afgooye waxaa ka talin jiray Saldanadii Ajuuraanka oo xukunkeeda gaarsiisnaa dhul aad u balaaran awood badana lahayd. Wakiilkii Saldanada Cumar Abroone iyo gabartiisa Faay Cumar waxay gaareen heer dadka degaanka aay ka gadaan biyaha wabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin dhalinyarada degaanka ka mid ahaa oo qaadan waayey dulliga iyo xaqdarrada gabartii intuu labada lugood isugu dhuftay ka daadiyey galeeydii aay xaqdarrada uga urursaneysay shacabka masaakiinta ah ee wabiga biyaha ka dhaansanaayey. Markii aabaheed Cumar Abroone uu soo duulay si uu jawaabo uga bixiyo falkaas, dadka degaanka oo isku duuban ayaa la wada dagaalamay oo ka guuleystay. Taas waxay horseeday in uu meesha ka baxo xukunkoodii, waxaana la wareegay talada Saldanadii Geledi oo aay ku mideysnaayeen dhamaan qabaa’ilkii degaanka ku noolaa.

Waxaad moodaa in arrinta maanta ka taagan Afgooye aay meelo badan isaga mid yihiin arrintii dadka degaanka aay ka dhiidhiyeen afar qarni ka hor. Gabar la yiraahdo Ijaabo Mohamed Siyad Barre, oo aabaheed kali-talis ahaa ayaa la timid warqado aay ku sheeganeyso dhul dad leeyihiin iyadoo garab ka heleysa maxkamado iyo hey’ado musuqmaasuqa macaash ka raadiya. Dadka reer Afgooye oo ka daalay xaqdarrada joogtada ah ee lagu haayey lixdankii sanno ee ugu dambeeyey, tan iyo markii Soomaaliya aay xornimada qaadatay, ayaa yar iyo weyn, gudo iyo dibad, si xoog leh uga hor yimid.

Ijaabo Mohamed Siyad arrinta aay la timid ma ahan damac dhulboob oo kaliya ee waa fidno iyo fasahaad bulsho iyo macaahid. Haddii aay ku guuleysan lahayd waxay saameyn xun ku yeelan lahayd bulshada.  Musuqmaasuqa waxuu sida aboorka oo kale u baabiyaa jiridda aay ku taagan tahay bulshada. Go’aan maxkamaddii ugu sareysay ee dalka aay gaartay 2015kii oo dhulka loogu xukmiyey dadkii lahaa ayeey si baadilnimo ah oo iimaan darro ah ugu doodeysay in markale iyada loo xukumay 2017kii.

Madaxda dowladda hadda jirto ee heer federaal iyo maamul-goboleedba waxay doorteen in aay si hoose u xaliyaan arrintaan fasahaadka iyo xaqdarrada ah. Waxay ahayd in aay cod-dheer dadka ugu sheegaan arrintaan in aay fidno tahay oo aay sharciga mariyaan dhamaan dadkii gacanta ku lahaa si fidnada loo damiyo. Aamusnaantooda waxay meesha ka saareysaa wixii yaraa ee kalsooni ahaa ee aay shacabka ku qabeen maxkamadaha iyo madaxda dowladda

Inkastoo  damacaas aan lagu guuleysan – shacabka oo ka dhiidhiyey iyo Allah oo gacan ku siiyey darteed – haddana fidnadaas waa taagan tahay ilaa dadkii ku howlanaa dambigaas weyn laga marsiiyo sharciga. Waana waxa wadanka fidnada uga dhamaan la’dahay.

Wixii Afgooye ka dhacay waa fashil ku yimi hey’adaha iyo madaxda dowladda. Laakiin, waa wax shacabka tusaale u noqon kara. Si aay fidnada u yaraato, dulmiga qofka Soomaaliga lagula kacaayo waa in bulshada oo dhan aay ka dhiidhiyaan oo diidaan, xaqana isuguu hiiliyaan.

Waxaa qoray:

Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com

]]>
46232
Maxaa dhaqanka geeleyda ka dhigey mid ku dhisan fowdo iyo dagaal joogta ah http://www.daafeet.com/2021/06/28/maxaa-dhaqanka-geeleyda-ka-dhigey-mid-ku-dhisan-fowdo-iyo-dagaal-joogta-ah/ Mon, 28 Jun 2021 07:39:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=45712

Dhaqanka Geeljiraha waa mid ku dhisan dagaal joogta ah ( culture of Violence) tasoo sababtuna ay tahay inuu geela yahay mid aad lookala dhoco, dhaqanka Geeljiraha ma laha deganaasho joogto ah waayo wuxuu Geela u baahan yahay guuris joogto ah dhanka daaqsinta ama biyaha.

Qofka Geeljiraha ma laha dhul uu isaga leeyahay marka laga reebo xoolaha uu leeyahay waana sababtaas waxa loogu yeero reer guuraa, waxaa kaloo yar Qofka Geeljiraha ah inuu la kulmo ilbaxnimo ama dad kala nooc ah, meesha kaliya ee dadka kale uu kula kulmo waa marka ceelasha biyaha ama dagaal Inta kale dadkale ma arko.

Waxaa intaas u dheer inuu qofka Geeljiraha uu noqdo mid ad adeeg badan( aggressive) tasoo sababtuna ay tahay cimilada uu dhaqmay awgeed oo ah mid aad u adag, maadaama aysan jirin dugsiyo diini ah ama masaajidyo Qofka geel jiraha Waxaa aad ugu adag barashadda diinta.

Dhaqanka Geeljiraha Waxaa aad ugu yar dhanka farsamadda gacanta xitaa qofkaas ma samaysan karo midni ama waran uu geeliisa ku difaacdo, sidoo kale ma laha aqoon uu qofkaas ku samaysan karo dhar uu xirto ama kabo uu gashado. Waxaa nadiib daro ah inuu hadana caayo dadkii farsamadda lahaa asagoon waxba samaysan karin uuna u arko inuu asaga ka sareeyo.

Taas awgeed Marka la soo koobo dhibka ugu wayn ee haaysta Qaranka Soomaaliya iyo dowladnimadiisa waxaa inta badan ka masuul ah dhaqanka geel jiraha oo ku dhisan dagaal joogto ah ama burburin xadaaro soo dhisnayd 1500 sano waayo maba yaqaan xadaarad. Dowladnimadda Soomaaliya waxaa geel jiraha gacanta u geliyay Gumaystahii oo doonaayay inuu baa’biyo xadaaradii iyo taariikhdii dalka Soomaaliya.

Mushkiladda uu dhaqanka Geeljiraha ku leeyahay dowladnimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid u baahan in lagawada hadlo si loo helo deganaasho siyaasadeed.

Afeef: waxaan rajeeynayaa inaan fikirkeeyga loo arag mid lid ku ah gobol gaar ah ama qabiil waayo Waxaan ka soo jeedaa beelaha Soomaaliyeed ee leh bulsho geel dhaqato leh sida Bakool, Bay, Gedo iyo Jubada dhexe, Geela goboladaas oo intooda badan lagu tiriyo Geela ugu waaweyn uguna qurxoon Geela ay Soomaalida dhaqato oo leh midab cad.

Arinkaan Hadaan loo yeelanin geesinimo looga hadlo waxaa hubaal ah inay Soomaaliya noqon doonto mid aan xadaarad yeelan tasoo tuu gumaystaha rabay.

Sheiknor Qassim

]]>
45712
Mursal iyo Lafta gareen oo koonfur galbeed ka dhigay mehrad ay ayaga leeyihiin http://www.daafeet.com/2021/06/18/mursal-iyo-lafta-gareen-oo-koonfur-galbeed-ka-dhigay-mehrad-ay-ayaga-leeyihiin/ Fri, 18 Jun 2021 07:51:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=45614

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u muuqda kuwa isbaaro u dhiganaya siyaasadda guud ee Koonfur Galbeed, iyagoo mooda in labadoooda oo kaliya ay yihiin kuwa go’aanka ka gaari kara horumarka iyo aayaha reer Koonfur Galbeed.

Labadan nin ayaa afka qabtay dhammaan odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed,Ururada bulshada, culumaa’udiinka iyo xildhibaannada Koonfur Galbeed ku matela labada aqal ee federaalka Soomaaliya.

Guddoomye Maxamed Mursal ayaa in muddo ah afduubtay qeyb kamid ah saamiga ay Koonfur Galbeed ku leedahay federaalka, isaga oo u maleeya in qofkuu doono geyn karo halkaasi, maadaama uu horey u afduubtay cid walba oo uu is leeyahay way kaala hadli kartaa arrimahan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhawaan wiilkiisa Cabdalla Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan u magacaabay qunsulka Soomaaliya ee Koonfur Africa, taasoo dad badan ka yaabisay, waayo marnaba qof haya mansabka Mursal oo kale lagama filaneynin inuu wiilkiisa jago nuucaas ah u magacaabo iyagoo ay jiraan aqoon yahanno badan oo reer Koonfur Galbeed ah oo mudnaa in qeyb ahaan ay u helaan jagadaas oo kale, baddelkii hal qoys ay isku darsan lahaayeen dhammaan jagooyinka.

In Mursal uu wiilkiisa u magacaabo jagadan ayaa timid sida dad badan ay tilmaamayaan kadib markii heshiis uu la galay madaxweyne Farmaajo kaasoo ku aaddanaa waqti korhdintii labada sano aheyd ee loo sameeyay hay’adaha dowladda ee laga noqday kadib markii uu go’aankaasi horseeday dagaal.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal marnaba lagama filaneynin inuu kursiga uu ku fadhiyo uu ku dulmiyo dadka uu matalo ee Koonfur Galbeed. Laakiin dad badan ayaa shaki galinaya inuu markale kasoo dhex muuqan doono siyaasadda federaalka, maadaama durba la dareemayo isku dhac u dhexeeya isaga iyo kuwa kale ee danleyda ah ee ay ku saaxiibeen ka shaqeyn dib u dhaca reer Koonfur Galbeed.

Dhan kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen ayaa dhex fadhiyo fashil kii ugu weynaa ee uu la kulmo siyaasi Soomaali ah, kadib markii uu sii kala qeybiyay lafta hoose ee uu kasoo jeedo, baddelkii uu ka shaqeyn lahaa isu keenista qabaa’illada Koonfur Galbeed oo in muddo ah ay ka muuqatay kala daadsanaan.

Laftagareen ayaa fursad walba oo soo baxda uga faa’ideeya dadka aadka ugu dhow oo ay isku reerka yihiin, taasoo dad badan ka careysiisay, maadaama laga filanayay dib u heshiisiinta beelaha Koonfur Galbeed. Laakiin taa baddelkeed wuxuu sii kala qeybiyay lafta uu kasoo jeedo heyb ahaan.

Laftagareen ayaa u muuqda mid isku dhiibay Farmaajo, taasoo ka dhigeysa in kusii jiritaankiisa siyaasadda ay ku xiran tahay soo laabashada madaxweyne Farmaajo oo laftiisa rajo badan aanan qabin, maadaama Soomaaliya aanan looga baran inuu soo laabto madaxweyne hore.

Si kastaba ha ahaatee labadan nin Mursal iyo Laftagareen ayaa dib u dhac weyn u keenay reer Koonfur Galbeed, balse waxaa hubinta ah qof walba oo danaha guud ee Koonfur Galbeed ka hor mariya tiisa inuu ku dambeyn doono meel aan wanaagsaneyn, maadaama shacabka iyo odayaasha reer Koonfur Galbeed ay hadda ka daaleen siyaasiyiinta daneystayaasha ah.

]]>
45614
Bakool iyo Xaalkiisa! http://www.daafeet.com/2021/06/18/bakool-iyo-xaalkiisa/ Fri, 18 Jun 2021 07:22:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=45617

Soomaaliyana doorasho malaayiin qarash ah lagu bixinaayo ayey aadeysaa! Mucaarad iyo Muxaafadba maalina masraxyada ay ku kulmaan naguma xusin, kuwii mudada dheer na matalaayeyna weli siyaasad ahaan uma qaan gaarin! Anaguna fagaare aan kula xisaabtano weli nasiib uma yeelanin.!

Lama hadlaayo kuwii siyaasadda nagu matalaayey ee Soomaalida naga reebey, ee waxaan la hadlayaa kuwa dadkoodi iyo deegaanadoodi mataley, waxaan fariin idinka sidaa shacabkii ree Bakool, ee sida muslimiintu falastiin u ilaaween si lamid ah Soomaalidu u ilawdey!.

Waxaanu nahay shacab dowladnimo jecel, waxaanu nahay ganacsato dowladnimo jecel, waxaanu nahay caruur iyo ciroolayaal dowladnimadu jecel, waxaanu nahay culimaa’udiin dowladnimadu jecel, waxaanu nahay ugaasyo iyo dhalinyarro dowladnimadu jecel, waxaanu nahay Hooyooyin dowladnimadu jecel, cadowgu wuxuu noo go’doomiyey dowladnimo jeceel.!

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ee aan wadaagno dhaqan, diin, luuqad, ka codsaneynaa in dhibaatada bani’aadanimo ee kajirta Gobalka Bakool wax laga qabto dunidana la gaarsiiyo, si ay u helaan caawimaad caalami ah, waa haddii ay jirto Soomaalinimo.!

Saxaafada Soomaaliyeed si lamid ah sidii siyaasiyiintii gobalkaasi kasoo jeedey inoo matali waayeen, ayaad idinkuna inoo xaqirteen, kaalintiinina waad gabteen, waan idin cudur daarayaaye dhibaatada Bakool ka jirto baahinteeda ka qeyb qaata.!

Qormadeydu kuma soo koobi karo dhibaatada Bakool kajirta, haddii damiir Soomaaliyeed oo shaqeynaya jiro waxaan markale codsanayaa in Soomaalinimo loogu hiiliyo bulshada ree Bakool.

W/Q: H.E. Hassan Somali.

Rabbi talo ku filan.

]]>
45617
Xaqsoor mase Meerto-Meerto?! http://www.daafeet.com/2021/06/10/xaqsoor-mase-meerto-meerto/ Thu, 10 Jun 2021 06:46:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=45537

Waxaa 27ka bisha Maajo 2021ka heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho sidii loo hirgelin lahaa qabashada doorashooyinka dadban ee qaranka, kaasoo ay ka wada qayb qaateen dawladda Federaalka, Maamul-gobleedyada dalka ka jira iyo Maamulka gobolka Banaadir. Waxaana uu heshiisku tixraacayaa heshiis hore ay u gaareen isla hay’adahaa maamulka bishii sebteembar 17keeda sanadkii 2020ka.

Heshiiska badankiisa waxa ku xusan waa arrimo ay isku haysteen dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada oo ku saabsan sida loo maamulayo doorashooyinka dadban ee la qaban doono, cidda maamulaysa iyo sida amaanka doorashooyinka loo sugayo, inkastoo aysan caddeyn sida ay nabadgelyo ku heli karaan ergooyinka ka qayb qaata doorashada dadban, sidii horeba u dhacday in dadkaa ay khataro badan wajahayaan, kuwa badana naftoodiiba ku waayey, cid badbaadadooda iyo nabadgelyadooda iska xilsaartayna aysan jirin.

Maadaama doorashadu aysan ahayn mid dadweynaha Soomaaliyeed si toos ah ay codkoodu u dhiibanayaan, oo kuraasta baaramaanka loo cayimay in codadkoodu ay dhiibtaan boqol iyo kow qofood oo metelaya kursi kasta qabiilka ama Jufada ku magaacaaban kow iyo labaatankii sanadood ee ugu dambaysay, inta lagu soo jiray dawladihii ku meelgaarka iyo kuwan rasmiga lagu sheegay ee ka dambeeyayba.

Nidaamka wax lagu qaybsanayey sanadahaa oo dhan wuxuu ahaa afar beelood iyo bar (4.5), taasoo ah mid aan xaq ahayn oo caddaalada ka fog, in dad ama beelo Soomaliyeed si gaar ah loo faquuqo, oo aan lala simin beelaha kale ee walaalahooda ah, loona baahnaa in habkaasi wax laga bedelo, haddana aan meelna arrintaa looga xusin heshiiska laga gaaray doorashooyinka, maadaama doorashooyinka ay yihiin kuwa dadban oo hab qaybsi beeleed wax lagu soo dooran doono. Meesha qodobka 5aad ee heshiiska uu dhigayo Ilaalinta qoonddada haweenka, oo aan ahaynba wax u baahan in si gaar ah loo xuso, maadaama uu dastuurka si siman u sugayo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo aan kala sooc lahayn, sida ku tilmaaman Cutubka 1aad, qodobkiisa 15aad, faqraddiisa 1aad.

Waxa meesha ka maqan oo laga gaabiyayna waa sinaan la’aanta xagga beelaha ama qabaa’ilka Soomaaliyeed oo mid ka mid ah bar (1/2 ama 0.5) lagu sheegay, iyadoo arrintaasina ay qodobo dastuuri ah ka horimanayso, maxaa yeelay dastuurku wuxuu dhigayaa; Cutubkiisa 1aad, Qodobka 1aad: Soomaaliya waa Jamhuuriyad leh gobannimo, federal ah, kuna dhisan matilaad dadweyne oo loo siman yahay. Isla Cutubka 1aad, Qodobka 15aad, Faqradda 1aad; Muwaaddiniinta oo dhan, iyaga oo aan loo eegin lab iyo dheddig, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, midab, af ama lahjad toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.

Waxaa haddaba qodobadan ku idil, kuna cad u sinaanta xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan, markaa ilaalinta xuuuqda qayb ka mid ah muwaadiniinta in heshiiska lagu soo qaato, meesha qayb kale oo ka ah hal beel, marka shan beelood loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeedna waa bar ama nus (1/2-0.5) la yiri, xuquuqdooduna maqan tahay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, aysana heshiiska ka muuqan, cid isku isku soo qaadayna aysan jirin.

Waxay kaloo arrintaasi lidi ku tahay sida uu qabo isla Dastuurka Cutubkiisa 1aad, Qodobka 4aad, Faqradda 1aad;

Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

Meesha heshiiska la gaaray lifaaqiisana lagu sheegay; Khariiddada Tubta dhameytirka dhismaha dawladnimada Soomaaliya, qodobka 1.4; Ilaalinta Dastuurka.

Waxaa kaloo nidaamkaas xaq darrada ah uu ka horimanayaa isla Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay

Qodobka 2aad, Faqradda 1aad;

Islaamku waa Diinta Dawladda.

Isla Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, Faqradda 1aad, waxay leedahay;

Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.

Sida qodobadan kor xusan ay tilmaamayaan in Dastuurku uu ku saleysan yahay Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Nabiga (NNK) markaa Islaamku wuxuu qabaa in la raaco sida ku cad Suuratul Xujuraat (49) aayadda 13aad; Dadow waxaan idinka beernay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay shacbiyaalo iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, kan ugu shraf badan ILAAHAY agtiisa waa kan idinkugu dhawrsasho badan… iyo Nabigana (NNK) waxaa laga maqlay isagoo leh; Muslimiintu waa walaalo, midna midka kale kama fadli badna taqwada (ALLAH ka cabsiga) maahane.

Markaa haddii dastuurkii wuxuu ku salaysnaa iyo nidaamka awood qaybsiga soomaalida (afar beelood iyo bar-4.5) aysan is waafaqasanayn, iyadoo dastuurkuna uu yahay Heshiis Bulsho oo lagu ballamay, ballantuna ay tahay in la fuliyo siduu ILAAHAY dadku ku amray, Suuratul Maa’idah (5), aayadda 1aad; Kuwa (xaqqa) rumeeyayoow oofiya (fuliya) ballamada …

Haddii la fiiriyo sida ay wax u socdaana ay ka horimanayso wixii lagu ballamay, sow ma noqonayso, tan ILAAHAY Qur’aankiisa Kariimka ah ku leeyahay; Suuratusaf (61), aayadda 2aad; Kuwa (xaqqa) rumeeyayoow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin.

Sidaa darteed waa in dib loo eegaa, looguna noqdaa habka awood qaybsiga dulmiga iyo gardarrada ku dhisan ee Soomaalida isku dulmisay

labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, si simana oo xaq ahna beelaha Soomaaliyeed ee shanta ah ay awooddaha siyaasadda iyo maamulkuba u qaybsadaan.

Haddii sidaasi ay dhici weydana, waxaa ka dhalan doona in arrimaha umadda Soomaliyeed ay iska daba meeraysi ma dhamaato ah noqdaan, ILAAHAY carradiisana ku sii korodho.

Dhinaca amaanka doorashada gaar ahaan ergooyinka ka qaybgelayo si loo badbaaadiyo, nabadgelyadooda inta doorashadu ay socoto iyo mustaqbalkaba, waa in ay dawladda qaybaheeda kala duwan masuu’uuliyad iska saaraan, gaar ahaan mas’uuliyiinta hay’adaha nabadgelyda, iyadoo la heli karo hab iyo nidaam sahlan oo lala kaashan karo farsamada casriga ah, oo ergooyinka lagu diiwaan gelin karo, ay codkooduna ku dhiiban karaan meel kastoo ay joogaan si kahatar la’aan ah, taasoo weliba horseedi karta in kalsooni ay ku qabi karaan dadka u tartamaya heerarka kala duwan ee hoggaaminta iyo maamulka dalkaba.

Axmad Suldaan
Balshafe@gmail.com

]]>
45537