Dhegeysiga Codadka – Daafeet.com http://www.daafeet.com News iyo Barnaamijyada Redio Daafeet Sun, 13 Nov 2022 13:25:29 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.2 120544105 Dhegeyso: Taliyihii hore ee ciidama danab oo ka hadley la wareegida alshabab ay la wareegtey deegaanka waxbo http://www.daafeet.com/2022/11/13/alshabab-oo-la-wareegay-gacan-ku-heynta-deegaanka-waxbo/ Sun, 13 Nov 2022 00:55:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=49680 Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Baxdo, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan deegaanka, islamarkaana ay difaacyo ka sameysteen halkaasi.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xalay ka soo baxeen deegaanka, saaka wabarigiina ay soo galeen xoogaga Al-Shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse taliyihii hore ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa sheegay in amarka looga soo baxay deegaanka uu bixiyey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

]]>
49680
Dhegeyso: Gudoomiyaha gobolka shabelaha dhexe oo ka hadley dagaal beeleedyada ka socda gobolka http://www.daafeet.com/2022/11/13/gudoomiyaha-gobolka-shabelaha-dhexe-oo-ka-hadley-dagaal-beeleedyada-ka-socda-gobolka/ Sun, 13 Nov 2022 00:40:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=49676 Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaannada hoostaga degmada Cadalle inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in xilligaan oo uu socdo dagaal lagula jiro Al-Shabaab iyo xorreynta degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe in gadaashiida ay beelo walaalo ah ku dagaalamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamay inay dagaalka dhexdooda ah usoo wareejiyaan inay ka qeyb qaataan xorreynat degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga saarao Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in mar walba nabadda in lagu dadaalo ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna Bulshada gobolka Shabeellaha Dhexe uu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan in laga hortaggo colaada soo laab laabatay.

]]>
49676
Dhegeyso: Qaar ka tirsan xisbiyada mucaaradka somaliland oo sheegey in maalinta berito bananbax weyn uu dhici doono http://www.daafeet.com/2022/11/12/dhegeyso-qaar-ka-tirsan-xisbiyada-mucaaradka-somaliland-oo-sheegey-in-maalinta-berito-bananbax-weyn-uu-dhici-doono/ Sat, 12 Nov 2022 05:52:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=49644 Xisbiyada Mucaaridka Ah ee maamulka somaliland ayaa maanta waxaa shir ay kaga tashanaayaan aayaha maamulka somaliland uga socdey magalada hargeysa shirkaasi oo aan weli wax hadal ah kasoo bixin.

Qaar ka tirsan howlwadeenada xisbiyada mucaarad oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in maalinta berito ay dhici doonaan bananbaxyo looga soo horjeedo waqti ku darsashada hogaamiyahe muusi bixi uu doonayo in uu sameysto.

Madaxweynaha maamulka somaliland muusi biixi ayaa maalinta berito ku eg xil maalmeedkiisa isaga oo ku haminaaya in u laba sanadood ku darsado.

]]>
49644
Dhegeyso: Xiisad u dhexeysa Maamulka cabdicasiis lafta gareen iyo mucraadka oo ka bilaabatey magalada baydhaba http://www.daafeet.com/2022/11/12/xiisad-u-dhexeysa-maamulka-cabdicasiis-lafta-gareen-iyo-mucraadka-oo-ka-bilaabatey-magalada-baydhaba/ Fri, 11 Nov 2022 23:38:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=49626 Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulka uu hogaamiyaha ka yahay cabdicasiis lafta gareen iyo siyaasiyiin mucaarad ah jego sugayaasha ah.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa lagu xiray Siyaasiyiin dhowr ah iyo masuuliyiin horay xil uga soo qabtay Baydhabo.

Shiine Macalin Nuur oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan aqbali doonin la caburiyo ayna dagaallami doonaan maamulka.

Shiine Macalin ayaa horey waxaa uu uga mid ahaa shaqsiyaadkii uu Shariif Xasan u adeegsadey burburinta maamulka6da gobol oo uu madaxweynaha ka ahaa laha u naxariistee Madoobe Nuunow

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in cabdicasiis Laftagareen uu amray in Siyaasiyiintaasi laga saaro magaalada Baydhabo sida ugu dhaqsiyaha badan ruuxii diidana in xabsiga la dhigo.

]]>
49626
Dhegeyso: Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo ay Voa la yeelatey Mukhtaar Roobow http://www.daafeet.com/2021/10/25/dhegeyso-wareysi-dhinacyo-badan-taabanaya-oo-ay-voa-la-yeelatey-mukhtaar-roobow/ Mon, 25 Oct 2021 06:55:19 +0000 https://www.daafeet.com/?p=46682

Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur” oo bishii Decsember sannadkii 2018-ka ay dawladda Soomaaliya ka hor istaagtay inuu u tartamo hoggaanka maamul goboleed goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bixiyey waraysigiisii ugu horreeyey.

Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii December 2018-ka ku jiray gacanta dawladda Soomaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jray xabsi guri.

]]>
46682
Sheekh Mukhtaar Roobow oo cunadii ka soomay http://www.daafeet.com/2021/07/03/sheekh-mukhtaar-roobow-oo-cunadii-ka-soomay/ Sat, 03 Jul 2021 04:21:53 +0000 https://www.daafeet.com/?p=45749

ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnuur ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maalintii 2-aad uu maanta cuntada ka sooman yahay Abuu Mansuur oo muddo saddex sano ah u xiran dowladda Soomaaliya.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu hogaamiye ka yahay Sheekh Mukhtaar ayaa warbaahinta u sheegay in xubno ka tirsan NISA oo la socda xaaladda Abuu-Mansuur ay ku soo wargeliyeen in maalintii 2-aad uu raashinka ka sooman yahay.

]]>
45749
Dhegeyso Amsiom oo sheegtey sababta ay ciidamada dowlada ugu wareejiyey degmada afgooye http://www.daafeet.com/2021/03/26/dhegeyso-amsiom-oo-sheegtey-sababta-ay-ciidamada-dowlada-ugu-wareejiyey-degmada-afgooye/ Fri, 26 Mar 2021 03:32:00 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44632

Taliska AMISOM ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Amniga Guud ee Degmada Afgooye Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, kadib Munaasabad ka dhacday Degmadaasi.

General Shoome oo ah Taliye kuxigeenka Ciidanka AMISOM oo khudbad ka jeediyey goobta ayaa sheegay in Taliska Guud Ee amniga Degmada Afgooye ay ku warejiyeen Ciidanka Xoogga wixii hadda ka dambeeyana mas’uuliyada iyaga ku wareegtay.

]]>
44632
Dhegeyso: Maamulka jubaland oo ka hadley heshiiska janan iyo dowlada ay wada galeen http://www.daafeet.com/2021/03/25/dhegeyso-maamulka-jubaland-oo-ka-hadley-heshiiska-janan-iyo-dowlada-ay-wada-galeen/ Thu, 25 Mar 2021 03:54:55 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44611

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay heshiiska Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan uu la galay dowladda Soomaaliya, iyada oo shalay lagu soo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in Go’anka uu qaatay Cabdirashiid Janan aan wax saameyn ah ku yeelan doonin Jubaland, welina mowqifkooda arrimaah Gobolka Gedo uu weli yahay sidiisii.

]]>
44611
Dhegeyso Waare oo sheegay in siyaasada dalka aan lagu caburin karin xoog http://www.daafeet.com/2021/03/23/dhegeyso-waare-oo-sheegay-in-siyaasada-dalka-aan-lagu-caburin-karin-xoog/ Tue, 23 Mar 2021 04:16:57 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44586

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligaan dalka iyo shirarka arrimaha doorashooyinka ee dhowr jeer dib u dhacay.

Waare ayaa sheegay in xukuumada ay diidey waxkasa oo wada-hadal ah oo xal u noqon lahaa dhibaatoyinka dalka kajira, waxaana uu sheegay in dalkaan aysan ka Shaqeyneyn awood in la adeegsado.

]]>
44586
Dhegeyso Gudoomiyaha xisbiga wadajir oo fariin adag u direy beesha caalamka http://www.daafeet.com/2021/02/08/dhegeyso-gudoomiyaha-xisbiga-wadajir-oo-fariin-adag-u-direy-beesha-caalamka/ Mon, 08 Feb 2021 06:25:44 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44043

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Shirkii Jaraa’id uu Galabta ka hadlay waxa uu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo yahay Shakhsi la mid ah Dadka Soomaaliyeed oo xilka uu hayey ka dhacay.

Waxa uu Ku Eedeeyey Beesha caalamka inay naas nuujin kale rabto inay usameyso Farmaajo oo ku guuldareystay inta uu xafiiska joogay in Dalka ku hogaamiyo Xilligeeda Doorasho ku dhacda.

]]>
44043