Xabsiyada Dalka Itoobiya oo Laga Sii Daayey Maxaabiis ka Tirsanan Jirtey Jebhada ONLF

0
27

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay ilaa 1,300 oo maxaabiis ka tirsanaa Ururka ONLF, kaddib wada hadalo magaalada Nairobi ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan xukuumadda Itoobiya iyo xubno ka socda Ururka mucaaradka ah ee ONLF.

Dadka la sii daayay ayaa 100 ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen maxaabiis siyaasadeed sida uu ku waramayo Ahmed Abdi oo ah khabiir ka faalooda xaaladaha Geeska Africa iyo Yemen.

Dadka la sii daayay ayaa dhamaantood la sheegay in ay ku xirnaayeen Jail Ogaadeeniya oo ku yaala magaalada Jigjiga.

ONLF ayaa sheegtay in ay wali jiraan maxaabiis kale oo ku xir xiran xarumo kala gedisan kuwaa oo u baahan in la sii daayo.