Reysuwasaare Kheyre oo Maanta Ka Qeyb Galay Xuska Sannad Guuradii 48aad ee Ciidamada Asluubta

0
39

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay xuska sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kayre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya, salaan sharafeed ka dibna waxaa Ra’iisul Wasaaraha la soo tusay dhismaha cusub ee taliska guud Ciidanka Asluubta ee KM7.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horayntii tahniyad u diray dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka mid yihiin tiirarka uu ku taagan yahay qaranka, ayna ka qayb qaataan difaaca dalka iyo xaaladaha deg deg ah. Sidoo kale waxuu timaamay in ciidanka Asluubta waajibaadkiisa uusan ahayn oo kaliya ilaalinta iyo daryeelka maxaabiista, balse ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhaqan celinta bulshadda.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mar kale bogaadiyay ciidan Asluubta iyo doorka ay ku leeyihiin wax qabadka dalka, wuxuuna ku wargaliyay in ay dar-dar galiyaan howsha ay ummadda u hayaan.