Taliyaha Cusub ee Nabadsugida Xuseen Cusmaan Xuseen oo Maanta Xilka La Wareegay

0
45

Taliyihii dhawaan loo magacaabay Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta NISA.

C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sii hayay xiika ku simaha taliyaha hay’adda Nabad-sugida muddo ku dhaw Afar bilood ayaa ku wareejiyay xilka taliyaha cusub.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir kuxigeenka iyo Saraakiisha Hoggaanada Nabadsugida Qaranka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay u magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan Xuseen, kaddib muddo ku dhow afar bilood oo ay Taliye la’aan aheyd Nabadsugida.