Reysulwasaare Kheyre oo Maanta Muxumad Xuseen u Magacaabay Madaxa Unnuga Isku Xirka Deeqaha

0
36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha.

Maxumed Xuseen Axmed ayaa ah NGO-le weyn oo in ka badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arrimaha Gar-gaarka, isagoo la soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada.

Unugan Isku Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo muddo soo jiray ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka, waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiyayaasha.

Sidoo kale Unugan Isku Xirka Deeqaha wuxuu qaban qaabiyaa shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum), Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars)