Gaashaanle sare CabdiNaasir Xoosh oo Lagu Xukumey Dil Toogasho

0
32

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay G/sare CabdiNaasir Xoosh oo ka tirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadd ayaa horay u dhageysatay kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha maxkamadda darajadda koowaad Ciidamada Qalabka Sida Xassan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh.