War Deg Deg Ah:- Xildhibaan Xuseen Cusmaan Xuseen oo Weyn Doona Laba Xil oo Muhiim Ah Haduu Ogolaado Xilka Maanta loo Magacaabey

0
56

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow magacaabay Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta Soomaaliya, kadib kulan deg deg ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga iyo Wasiirka Cadaaladda ayaa Shirka gaarka ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya waxa ay ka soo jeediyeen magacaabistaan xubnahan, iyadoo Golaha Wasiirada ay isku raaceen.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib waxaa warbaahinta la hadlay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka.

Wuxuu sheegay Golaha Wasiirada kadib falanqeyn iyo wadatashi dheer in ay magacaabeen ilaa Saddex Taliye oo kala ah Bashiir Axmed Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Xuseen Cusmaan Xuseen Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Si kastaba arintu ha ahaatee Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa weyn doona laba xil oo muhiim ah oo u hada hayo hadii uu ogolaado jegadan cusub ee hada loo magacaabey xuseen ayaa hada ah xildhibaan qaran iyo weliba wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka