Gudiga Jooogta ee Baarlamaanka oo Maanta Ka Wada Hadley Khilaafka u Dhexeya Ganacsatada iyo Wasarada Maaliyada

0
49

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi aheyn ka yeelanaya khilaafka ka dhex taagay ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda ee ka dhashay canshuur kordhinta lagu soo rogay.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha golaha Shacabka Maxamuud C/raxmaan Beene beene ayaa sheegay in maanta Guddigooda ay la kulmayaan Ganacsatada, isla markaana wixii ay kala kulmaan ay berri horgeyn doonaan Guddiga joogtada si go’aan looga soo saaro.

Xildhibaan Beenebeene ayaa sheegay inay aad uga xun yahay ganacsiga xirmay iyo saameynta ay ku yeelatay xoogsatada suuqa ee nolol maalmeedkooda ka raadsada Suuqa Bakaaraha.

Maalintii labaad ayaa waxaa xiran Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Ganacsiga Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana shaqo jooji.