Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka oo Sheegey In Wasaarada Soo Saartey Sharci Cusub

0
47

Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa soo saaray sharci cusub oo ku saabsan sumadda Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid cusub iyo mid laga soo qaatay xeerarkii hore oo la is waafajin doono.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay sameeyeen taargooyin cusub oo ganacsi ah, kuwasoo loogu tala galay gaadiidka dibadda laga keeno ee la geeyo garaashka ka hor inta aan la iibsan, isla markaana marka la iibsado la siinayo taargooyin cusub oo rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan cusub uu ku jiro qodobo cadeynaya qofka iska iibinaya gaadiidka uu taargada dib u soo celiyo, si looga hortago in gaariga uu iska iibiyay loo adeegsado falal amni daro ah, isla markaana loogu qabsan.