Dhegeyso: Waxgaradka Gobolka Shabelaha Hoose oo Dhaliiley Qaabka Ay Ciidamada Dowlada Uga Howl Galaan Gobolka

0
37

Waxgaradka goblka shabeelaha hoose ayaa dhaliiley qaabka ay ciidamada dowlada uga howl galaan gobolka, waxgaradka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay soo dhaweeyeen dadkii kunoolaa degaanadaasi , balse Ciidamada dowladda ay haddana ay ka baxeen deganaadaasi, islamarkaana ay Shabaab ka qabsadeen Mar kale.

Suldaan Cali Shariif oo ka mid ah Waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan u rooneyn howlgallada ay waddaan ciidamada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada dowladda degaanada ay ka qabsadaan Shabaab in ay ka sameystaan Saldhigyo, islamarkaana ay difaacaan dadkii Shacabka ahaa ee soo dhaweeyay.

Suldaan-Cali-Shariif

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Suldaan-Cali-Shariif Mobil