Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey u Fadhiya Somaliya oo La Kulmey Safirka Imaaraadka ee Somaliya

0
124

Magaalada Muqdisho ee caasimadda ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Axmed iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Howlaha Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating.

Kulankan oo si gaar ah uga dhacay Safaaradda Imaaradaadka uu ku leeyahay magalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada xaajooday xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalada wadajirka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa shaqo abuurka loo sameynayo dhalalnyarada Soomaaliyeed, ammaanka dalka, xasiloonida, Horumarka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadanimo.

Keating ayaa ammaanay dadaalka Imaaraadka Carabta, taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyo kaalinteeda ugu weyn ee horumarinta dalka.