Afhayeenka Wasaarada Amniga oo Sheegey In Gacanta Lagu Soo Dhigey Rag Shaley Askari Ku Diley Isgoyska Baar Ubax

0
59

Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay rag hubeysan oo Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka duhurnimadii shalay ku dilay Isgoyska Baar-ubax oo ku dhow Agagaarka Masjidka Xareed.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ragga dilka ka dambeeyay in ay ahaayeen Shan nin, laamaha amnigana durbadiiba ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Saddex ka mid ah raggaasi.

Afhayeenka waxaa kaloo uu intaasi ku darey qabashada raggan in ay ku suura gelisey xog ay ka heleen shacabka, kadibna ay ku baxeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo aaggaasi aanan ka fogeyn, sidaasina gacanta loogu soo dhigay.

Sidoo kale C/casiis (Xildhibaan) Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay raggan in hada ay ku jiraan mid ka mid ah xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho, si deg deg ahna sharciga loo horkeeni doono, si loo marsiiyo ciqaabta dambigii ay galeen.