Maxamuud Cabdullahi Siraaji oo Ku Guuleystey Doorashadii Maanta Ka Dhacdey Magalada Kismaanyo

0
59

Doorasho siweyn ay dadka u wada sugayeen oo ah kursigii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Howlaha guud Cabaas Cabdullahi Siraaji oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay Maxamuud Cabdullahi Siraaji oo la dhashay marxuumka geeriyooday.

Maxamuud Cabdullahi Siraaji ayaa ku soo baxay 50 cod guud ahaan marka la eego ergadii codka dhiibatay, taasoo xaqiijineysa guushiisa xubinimada baarlamaanka.

Wasiirkii hore ee howlaha guud ee Cabaas Cabdullahi Siraaji oo kursiga ku guuleystay 2016kii ayaa sanadkii hore si gardaro ah toogasho lagu dilay meel aan wax badan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya taasoo ilaa iyo haatan aan sharciga la marsiin ruuxii dilkaasi geystey.