Alshabab oo Dib ula Wareegey Deegaanadii Shaley Laga Saarey

0
69

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM dib uga soo gurteen deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa u warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda sababta ay degaanadaasi ay u tageen in aysan aheyn in ay ka sameystaan Saldhigyo.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkaasi uu ahaa in la burburiyo Saldhigyadda Al-shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay ku soo laabtaan saldhigyadooda.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in ay dib ula wareegeen degaanadii ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda.