Shariif Xasan iyo Familkiisa oo Maanta Hishiis Lagu Beec Geynayo Gobolka Sh/Hoose kula Saxiixay Jabuuti Shirkado

1
55

Shirkado macmal ah uu Shariif Xasan u sameeyey kooxo ay isku famili yihiin oo kala ah Maxamed Cabdullaahi Mursal, Cali Shaamey, Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) iyo gabar uu dhaley shariif ayaa maanta heshiis dhinacyo badan ah kula saxiixdey dalka jabuuti shirkado ka howl geli doona gobolka shabelaha hoose.

Heshiisyadan ayaa la sheegey in dhamaantood laga hirgelin doono gobolka shabelaha hoose heshiisyadan ayaa waxaa ka mid ah dekeda magalada baraawe iyo weliba ceelal gaas oo ku kala yaala degmooyinka Afgooye iyo Qoryooleey.

Shariifka iyo reerkiisa ayaa waxaa ayaa isku deyeya in ay gobolka shabelaha hoose ka dhigaan gobol ay sidey doonaan ka yeelaan ayagoo aysan jirin cid ay kala tashadaan ha noqoto siyaasiyiinta gobolka ee ku jira golaha baarlamaanka amaba odey dhaqameedyadooda taasina ay keeni karto in gobolka uu faraha ka boxo.

Gabolka ayaa hataan ah gobolka uu gacanta ugu jiro kooxo ku labisan dareyska dowlada oo kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka iyo kuwo ku labisan dareys diineed oo ayagana in mudo ah ku sugnaa gobolka hadana waxaa kusoo biirey shariif iyo xertisa oo xiriir hoose la leh laba kooxoood ee gobolka xooga ku heysta.

Si kastaba arintu ha ahaatee dayacnaanta shariif xasan uu ku arkey gobolka ayaa inta badan waxaa la sheegaa iney masuuliyadooda leeyihiin odayaasha dhaqanka gobolka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka oo amnigooda iyo joogitaanka magalada muqdisho ku bedeshey bixinta gobolka.

1 COMMENT

  1. Ha isku dhibin barnaamijkan Shariifka, waxay la mid tahay LIBSOMA IYO GIZA oo aan reer gobolka waxba aan lagala tashan, waxna ka faa’iidinba inteey ku dambeeyeen. Tana meel ma gaari doonto, inay lacago laaluush ah lagu soo qaato soo qaataan maahane.

Comments are closed.