Digilow Inta Aadan Mirifle Xisaab ugu Tagin is Xisaabi.

27
458

Guud ahaan waxa loogu yeero hogaamiyayaasha golayaasha Digileed sida(Salaadiinta,Nabad-doonada,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,Saraakiisha,Xildhibaanada iyo Wasiirada) ayaa waxa si aan ka fiirsi lehayn uga hadaaqaan hadalo aan micno badan iyo miro midna u dhalayn mustaqbalka iyo weliba jiritaanka beelaha ay mas’uuliyadoodu sheeganayaan ee Digileed.

Hogaamiyayaashan oo intooda badan xitaa ayan metelin naftooda ayaa waxa aad moodaa in danta beelaha Digileed ay ka doorbideen waxoogaa dhaqaale oo balan qaad ma ahee aan weligii la arkayn inay dhaafsadaan mustaqbalka beelaha Digileed kadibna magac mas’uuliyadiisa ayan qaadi karin inta ay sheegtaan dhawaaq lagu qoslo lasoo shir taga sida Shirka Baydhabo nama khuseeyo,Waxaan ka tashanaynaa aayaheena,Waxaan nahay anaga iyo Hawiye dad walaalo ah oo laysku yiraahdo Digil iyo Daami,Mirifle waa na dhacay oo sedbuursi ayuu nagu sameeyay,Mirifle waa inaan la xisaabtanaa iyo Hadalo kuwan kasii culus oo aan wax miisaan ah ku lahayn saaxada shacabweynaha dulman ee Digil.

Waa ayo beelaha Digil

Ilaa iyo maantadan la joogo beelaha Digileed ma lahan Nambar beeleed oo laysku raacsan yahay oo la dhihi karo waa intaa balse waxaa Af-qaad noqday oo dadku yaqaanaa Todobada Aw-Digil(Bagedi,Dabare,Jiido,Gare,Geledi,Shanta Caleen iyoTuni)ha yeeshee waxaa hubaal ah in beelaha Digileed tiro ahaan ay ka kooban yihiin Todoba iyo toban beelood oo intooda badani ay ku dhex dulman yihiin Todobada beelood ee aan horay u soo magacdhawnay sabab kastabana ha ku dhacdee dulmiga lagu hayo beelahan isla Digilka ah ayaa waxa uu u muuqdaa mid is indha tir iyo qab salka ku haya.

Yaa Hogaamiya beelaha Digil.

Hogaanku waa mid ka mid ah labada ruux ee Suubanaha(NNKAH-yeelee) uu sheegay haday toosaan in inta kale ee ummadu ay toosayaan oo ahaa (Culimada iyo Umarada(Madaxda)oo haday qaloocdaana ay inta kale la qaloocanayso sida haatanba ka muuqato hogaamiyayaasha qaloocan ee Digileed ee iyagu gaaray inay dadnimo u doontaan kuwii dulaystay ee Hawiye halkii ay heeryadooda iska tuuri lahaayeen.

Sidaan horey u soo sheegayba hogaamiyayaashan waa kuwo aan xitaa metelin naftooda kuna shaqeeya fikradaha Cadawga beelaha Digileed ku soo shubaan kiisa muuqda iyo kan aan muuqan ee Hawiyaha ah waxayna sharafta dakooda iyo dalkoodaba siisteen inay Xamar nabad ku joogaan kuna dhaqdhaqaaqaan iyagoo fulinaaya danaha beelaha Hawiye ee maanta duulaanka qaawan ku ah jiritaanka Shacabweynaha Digileed.

Akhristaha Sharafka mudanoow bal maanta weydii halka ay joogaan midkasta oo kamid ah waxa loogu yeero (Salaadiinta,Nabad-doonada,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,Saraakiisha,Xildhibaanada iyo Wasiirada) beelaha Digileed ee Todobada ah waxaa kuu soo baxaya shaki la’aan inay joogaan Muqdisho oo midkooduna aanu tagin xitaa Afgooye maxaa hortaagan inay dhulkooda iyo dadkooda ay la noolaadaan waa arin kale oo isweydiin mudan balse waxaa xaqiiq ah in Ummad ama Beel ay metelaan dhaafe xitaa naftoodu ayan metelin oo waxay si mutadawac-nimo ah ay lahaystayaal ugu yihiin kuwa u dawamaray shacabkooda ee Dulmiga,Duliga,Dilka,Dhaca iyo Kufsigaba nolol uga dhigay ee Hawiye iyagoo sidoo kalena qaarkood waa kuwa sheeganaaya mas’uuliyiinta Digileed ayba Sheegtaan inay yihiin Hawiye dhalasho ahaan kolka ay la joogaan Hawiyaha.

Yaa laga rabaa badbaadada beelaha Digileed.

Kol hadii uu hogaanka Ummadu uu sidan noqdo waxaa lama huraan ah in dhalintu ay u kacaan ummadooda soona dhacsadaan xuquuqdooda iyagoo u maraaya wada kasta oo ay ku soo ceshan karaan sharaftooda sidaa si lamid ahna Aqoonyahanaduna ay hogaanka u qabtaan si halganka dhilintu aanu u dhicisoobin sidoo kalena qaybaha kala gedisan ee bulshaduna ay doorkooda shariifka ah qaataan.

Xagee ayay maslaxadooda ku jirtaa.

Guud ahaa Shucuubta caalamku waxay ka simanyihiin lahaanshaha Sokeeye iyo Gacal,Cadaw iyo Shisheeye sidaa si la mid ahna Shacabka Digileed waxay leeyihiin Sokeeye la dhashay oo reer Mirifle ah dhalasho kadibna Gacal u ah halka Cadaw iyo Shisheeyana looga fadhiyo inay fahmaan una qaataan Cadow sida kooxaha duulaanka ee Hawiye iyo Daarood.

Waxaan cidna muqdi kaga jirin kol hadii uu arinku sidaa yahay in maslaxada ummada Digileed aan laga dhex goobin(Raadinin) gudaha Cadawga iyo Shisheeyaha.

Gunta iyo gebgebaduna waxaan leeyahay Digilow inta aadan Mirifle xisaab ugu tagin is xisaabi.

Abdiaziz Sh Salah

27 COMMENTS

  1. abdiaziz shsalah kheyr allah hakusiiyo runta waad sheegtey lkn su.aal?. haduu DIGAL cadowgiisa iskudhiibaayo maxaad fari laheed walaalahooda MIRIFLE.??? waad mahadsantahay

    • MARKI LAGA SOO TAGO AYADAHA QURANKA IYO AXADIISTA NSCW WAXA SOO RACAYA XISAABTA OO AH WAXA UGU XAQIIQADA DHAW EE BANI ADAMKA KU QANCO HADABA INTEYDAN IS QABSAN HAL MID MAA INAG DHAXEEYA MAXSE INOO DAN AH WAXA INAGA DHAXEEYA DEGAAN , AMA DERIS NIMO WAXANA INOO DAN AH IN AN KU WADA NOOLANO NABAD WARTA HADABA DEGAN WALBA DAKIISA HALOO DAAYO DOORASHADANA QOFKI NUMBER BADAN HELA HA LOO DAYO BALSE ARIMAHA GUDAHA DADKA DEGANKA AYA U TASHANAYA WIXI HOREY EE DHACAYNA TAGE WAXA SOO SOCDA AN K HDALNO OGAD MOORIYAN INEY AFGOOYE HEYSATO OO AYNAN XUR AHEYN KULIGIIN YEYNN ISKU MASHQUULIN E DANAHEENA GUUD AN KA RACANO IS AB QABSIGANA NAGA DAYA WA QOOM DUMIS

  2. waa idiin salaamey maamulka daafeed.com walaal waxaad soo gortey magaal aad u wanaagsan laakiin dhibaatada digil haysato ma oga kii cadowgooda ah iyo kiikale inkastoo aan ognahey iney dulmeysanyihiin kuwo badan oo kamid ah mirifle laakiin markey imaado inladulmiyo digil way isku raacsanyihiin hadad fiiriso umadaha kale ee somalida ah markey iney ku boobaan nidaam siyaasadeed ayeykuusoomaraayan dadka aad ku tilmaameyso walaleheena mise sidey somalida ay aaminsanyihiin inan walalo nahey intaat wallalo dhihilaheed inkastoo muslinkoo dhan ay walaalo yihiin waxaa fiicneed inaad dhahdo isku deegaan ayaa nahey waayo ma ogi inaad xasuusato hiligii RRA oo habargidir laga sarayey deegaanka mirifle waxaa kasaarey Ethiopian oo ay ubadnaayeen walaaleheena rer Gare go aankuna wuxuu ahaa in laxureeyo dhulka digil iyo mirifle laakiin waxey ku iibsadeen dhulkii digil $10000 A day oo laga siinaayo Dekeda Kismaayo oo markaas ay hesteen habargidir iyo marixaan oo islaqabsadeen intii waxey werarkuqaadeen diinsoor oo ay u geysteen xusuug baahsan oo waligeeda ka dhicin baydhabo markii laxureeyey werarka ugu horeeyo wuxuu ahaa diinsoor falkaas markey sameeyeena ilaaha ayaga dhahdood isku direy tii kadhacdeyna waa la isla ogaa waxey hormar lagaarilana waa dulmigaas Adoonkana waxaa uga xun qofliita haduu oqaado inaad kaliidatid ilaah hakuu naxriisto mana aaminsani in wax lagu darsado waa runtaa anagaa isliidney digil kuma koobna oo keliya 7 gabiil waxaa jira oo kale waligoodana lasheegin 1-reraamir 2-inroole 3-armo oo ayladegaan dabare

  3. waa idnsalaamey salaan kadib talo ma xuma in lakala qaato laakiin dhulka digil weli gacmo badan ayuu ku jiraa dha meeystirna qofkii dawlada ku jiraaji ma awoodo dhulka inuu ku dhex lugeeyo waayo ina adeerkiisa oo afkaar kale aminsan ayaa loo soo dirayaa oo dilaayo marka xamar in uu joogo waa uu ku qasban yahay sida beelaha qarkood ayey la qabaan lakiin asgoo joogo muqdisho ayaa laga raabaa in uu soo saaro go aan lagu mideen karo dad digil in uu iska fadhiisto ayaa daran hadab dhulka xureentiisa haloo soo wada jeesado dhalinyarada oo lakala iibsade qaarna zeka ka aruuriya qaarna canshuur kaqaada qaarna isbaaro dhigtey dadkooda in laisugu yeero hala mideeyo fikirkooda kadi madaxdana way iman kartaa dhulka lakiin inta zekada socoto isbaardana socoto canshuu cida loo qaadaayo aan la garaneynin socoto dhulka ma xureysna ee aan is fahamno dadkaan loo shaqeynaayo marna ahsuna wata marna shabaab wata marna dawlad dherkeeda wata dhinac ha la iska riixo danta digil meesha ay jirto hala raadiyosaqiir iyo kabiir ayaa looga fadhiyaa madaxda kaliya yaan wax lagasugin aniga arintaasi ayaan qabaa walayaal siadai ayaan ku soo gababa gabeeyey fikirkeey iigarka ah qore waa walkiin mohamed bariire

  4. hadaan mirifle aan laxisaabtamin yaa laxisaabtamaa mida kale qoraalada caadhifnimada kadaaya digilka aad ugeysaneysaan mirifla ayaa usawab ah wax walbo oo kadhacayo gowalka shabeelaha hoose maxaa yeelay xidhibaanada mirifle marka ay dan leeyihii gidig ayaa walaala nahay ayaa leeyihiin waligeey ma arak hogaamiye mirifle oo.ka hadlayo dhibatada taalo sh/ hoose oo jawaari ugu horeeyo shariif sakiin ooo ah aabaha ugacan galiyey hawar gidir gowalka mirifle hadaadan nagadaayin hagatdaamadaadi waligeena waan.ku jireynaa dhibaatada maanata dhibatada taalo sh/ hoose waa adin sameynee ogaada hadii aad wax utareysaan reer sh/hoose reer wanlaweyn ayaa ugurmada lahaydeen dagaalkii cabdiqaasim oo ayaga dhawarka udhiktay xitaa biyo uma adan quurin maanta waaba qalad inaad wax kzsheektaan digilka waa inaad naga daysaan hadalada xun

  5. SC, dhamaan qomiyadda reer Aw-digil,markaad aqrisiid qormadan kor ku qoran waxaad mooda in aay ka fog tahay xaqiiqda, waaa nasib daro in reer Aw-digil lagu tilmaamo dad aanan jiriin, awdigil waa daad jira qadiyadoodana waxy ku dawa dhuntay reer miriifle o noo isticmaalo sida NGO, waxii naga dhaxeyeyna markaasta ayaaga un isku jecel, dhanka mansab yaada awdigil 1 safiir ayu ku leyahay dowlada iyo 1 secretery mirifle waxaay ku lahayeen 3 safiir, buub soomahan taas,wasiirada la qeybsaday digil waxaa la siyey 2 wasiir ii wax miisan aan laheen oo iska magac ah,iyo wasiiro dowlo iyo wasiir ku xigen.7 ayaga aya qaatay xaq miya marka, digil xamar waxaa ayuu uu jooga sida daroodka iyo mireflaha kale aay uu joogaan ee mahaan in aay insurence ku jiraan,aw digil cadowgisa kowaad wa mirifle in la iska dhiciiyaan waa muqadas, hawiiye aniga in aan iska kiciiyo waxba ma ila aha waan iska kiciin doona, in nalagu xuuxiyo mahan aduunka waay uu jedan meesha aan degenahay iyo meesha aan leeyahay lakiin burcad siyasadeeda mirifle aya wax kasto ugu daran awdigil. ee nin yahay Cabdi casiis mirifle aya ku soo diyariyeey ayaan filaya qormadaan meel ay uu socoto aan la fahmaaynin oo kaliya aay tahay mid lagu aflagadeynaao awdigil.

  6. dadka hadii coleys aay daremaan kii aay u malaynayan in uu ka liito ayuu wax ka sheegaa ee mirifle hadii aad tahay waa lagu dhargasan yahay digil waxa uu galo iyo waxa uu gudaba RRA waxaad isku lahaysiiseen dad ayaga wax sameystay oo kaligood wax fulsaday ee dib uga laabta ee runtana ka sheega wax garad la aanta ku haysata ayaad qolo dhan ayaad halkaan ku aflagadeynaysaa oo walibo adigoo farta ku fiiqaya dad aad aqoontooda ku socoted ee hadii baydhaba shirka laga dhigay oo digil halkaa imaaden ha u malaynin in digil kaa liito uu dhulkisa maamul u samaynkarin ee dhibka waa jiraa meel walibo idinkaba ma tagi kartaan meelo badan oo dhulkiina ah cida haysatana waa lawada ogyahay ee ithopia haloo duceeyo digil asagaa aayihiis ku tashanaa cid aay aqoon iyotusaale uga bahan yihiin majiraan lkn damerkii faras la daaqo waxuu isku malaynaa in uu faras yahay dadka aqoonta u saaxibka ah ee digil waad ogtihiin in hadii tv laga waraysanaayo makala saraan digil iyo mirifle habar gidirna waa lagu xasuusinaa markii shaarti gaduud baydhaba laga soo saarayay in haabsadi uu wacday indha cade oo hubaysan uu baydhaba yimaaday intaas waxaa rabaa in dib aad uga laabated xasuusta waxa miriflaha sameyay aay ku fool xuntahay waxa aw digil ku shegaysid ee dhehdiina markii lacag lakeeno oo lacagta aad wada raceynasa waxaa u leedihiin dhaqan hitaa waxaa idin sheegay jawaari markuu baydhaba imaaday maamul sameysta lkn lacag ayaa laidin keeni doonaa oo dhamaantiina la idin gadan doonaa yaa loola dardaarmaayay digilaa mise mirifle aniga walalak ceeybtiisa ma soo bandhigno wax badan ayaa jiro 23 sano aad sameysen ee waan idin jecelnahay wali eee ixtirama dadka idnka weyn

  7. Dooyland….Waa ku salaamay Adiga iyo akhyaarta.
    Digil ha is xisaabiyo ma Ceeb-baa?
    Ha kala garto Cadawgiisa iyo Gacalkiisa ma Ceybaa?
    Hogaankiisa ha iska fiiriyo ma Carooshaa?
    Yuu Mirifle la hortagin waxa uu Muqdisho ku hayo ee Huuhaa-da ah ma Dulunbaa?

    Sigaar ah Dagaal Dabare iyo Raxanweyn waa uu ka facweyn yahay RRA ee walaalkiis Oohintaada ORGIGA ka weyne heyso amaba waad iska dhicin jirtee iska dhici!
    Aniga ma dhihin Dooy waxaa ku kulmay oo deegaan u ah Dabare calool xun,Geelidle afxun,Luwaay deegaan xun iyo makuugu daraa!!!Afkeena isu amaan.
    Ninka Magaciisa ku sheegay Amiir Qoryoley-na midbaan leeyahay oo ah
    Hadii aad horay isu xisaabin lahayd Mirifle maanta Shaxdaan aad ka Oysay kuuma dhigeen oo si siman ayaad dhib iyo dheefba u wadaagi lahaydeen Laakiin dhaxalka Adiga dhibta u gal intaad soo dhicisana aan si siman u qaybsano waa CEEEEEEEB ee Ogaaw.
    Amaa NGO walaalkeey ma leysku dheelaa,NGO kaweyn maa jira Hogaanka labada Faras wada saaran ee walaalkiis ficil uu u qaado ku firdhihaayo wixii faraqa loo shubo.Ka baxay

  8. Asc wr wb waxan aad ujeclaan lahaa inaan ogaado qoraaga maqaalka adiga marka hore yaa tahay si aan u ogaano horta qofka wax qoraya inu xogogaal uyahay waxa uqorayo walalow c/casiis adiga horta nin DIGIL ah ma tahay, maxase isu qarisay xagee lagaa soo raadiya emailkaga maxad usoo raacsiin wayday qoraalkaga.
    midakale aniga waxan qabaa cawaadka badan in la yareeyo waxqabadkana la badiyo

  9. Asc runta hadan ka hadlo mirif waa cadowga digil maxa yele ilen digil iyo mirif waxa matala nin ka sheganayo afayenka barlamanka nin afayenkana waa mirif hadey san cadow ahen maxey mar walba xuquq dooda ku tuntan wa bilahi Towfiq

  10. Caayda ma fiicna horta dad walaalo aa layahay laakiin in dhaliisha leesku sheego waa wax meesha ku jiro ee digilow walaalkaa leed taqaan miyaa wiilal qori qaato maqabtid miyaa?? hadii ay wiilashaada qori qaataan mirifle maa dhig dhahaayo mise asagaa ku soo duulaayo?? runta aan isku sheegno deegaankiina ilaa aad qori ku dhacsataan cid idiin xureyneyso majirto, maanta waxa idin haaysto waa wax ceeb ka ween Biimaal oo idin ka yar oo deriskiina ah ayaa xabad hawiye la hortaagan adiga digilow biimaal maad ka tira yartahay maka hanti yartahay maka qurba joog yartahay , maxaa kuu diiday sidiisa oo kale inaad qoriga qaadato, walaalkaaga markaad adiga qoriga qaadato haduu tabar haayo waa kuu hiilihaa . hadaba biimaal af waan ugu hiilinaa , baydhaba xataa saanad ayaa looga diraa , adigoo walaalkey ah inaan kuu hiilinaayo maxaa diiday laakiin qoriga qaado facaa iska bareejey nin sharaf leh ayaad noqoneysaa mirifle maalin cad aad dhaafeysaa intaas waa iga waano-

  11. ASC, waxa raba walalka DOOYLAND wadto ee inan wax u asaga og yahay u sheego.

    dooyland waxa tiri RRA waxa dhulka u xoreeyey ETHOPIA kadibna anaga DIINSOOR AYA werar ku qaadey oo waxay xasuuqdey dabare.

    waa run ETHOPIA hal maalin aya baidoa imaaatey, inay baydhabo ethopia imaatana waxa ka horeyey OROMO. 6 kun oo OROMO ah aya HABAR GIDIR la jirtay iyo somali badan iyo digil iyo mirifle badan. saas ay tahay mana aminsani inay habar gidir iyo orodamdeeda xudur soo joogi lahed sanad iyo bar. xudurna anaga ka so xoreystay alxamdulahi… mida kale DABARE iyo luwaaay aya maar is dagaalay, dagaalana wa lagu kala adkaadaye dabare markii xoga la durjiyay luwaay inay diinsoor galo waaxa u diidey dad kale oo mirifle ah, dadkaasna waku mahadina sababto ah qasarada aya sii badan laheyd… marka waxa nasiib daro ah inad mirifle iyo haal laf oo adiga kugu saman isu qalado,, mida kale hadii adiga ad ku faraxsan tahay xasuusqii RRA isu geystay anigana waku farxaya biyihii adiga lagu gadey ileen xaaasidnimaada digil aya u tahay hadad biloowdey xasidnima maanta aya noo bilaaneysa meeshii ad rabtaan wax ka aqriya adiga iyo inta kugu fakarka ah aya taasi uga jawaba digilka caafimaadka qabana waali walaalo aya naahay.

  12. shabeelle hoose BIIMAAL aya iska leh sababto ah laba biloood aya habar gidir la dagaalamayay wana iska dhiciyay,,,,,, waligiina ma aragteen qof digil ah oo habar gidir iska waabiya??

    mirifle ayaa hal wasiir iga badsadey inad dah gadaashiis ka so tiraahdan waxba ma tareyso.

    laba adinka idin jirta hadad ragnimadeeda yeelan kartan
    1 inad noqotan nin rag ah oo xaqiina u dhimataan oo dhulkiina difactaan oo iska dulqadan wiilasha ahmed diiriye iyo xaad.

    iyo inaad hawiye u gabdho korisaano dhulkiina la idin ku maamulo oo ninkii shalay waalasha ciil badey oo kufsadey maantana gabadhaada maher kufso uga dhigo kadibna la idin ku qasbo inad hawiye ku abtirsataan kadibna sidaasi magaciina lagu waayo.

  13. digil qaraan dhiibaya arki meysid
    digil qabiil wax isugu qabanaya arki meysid
    digil dhimasho raba arki meysid
    digil ka sheekeynaya dhibaatadii loo geystay gaar ahan habaraney u gaysatay ka shekeynaya arki meysid
    digil ra,i dhibanaya arki meysid
    dadkan ha isu daalinaya waa baruuur cunid sugeysa. gare ayaa uga roona waxna iska dhicin kara waxna isu qaban kara asagana habar gidir ayuu dhul la galay

  14. waxba yenaan is eedin Sida muuqata ayna tariiqdu sheegayso Digil iyo mirifle waa dhulka maantay uu maantay bililiqada ,boobka dhaca is dilka uu ka jiro una badi beesha Digil weliba Shabeelada hoose waxa ka dhacaya aynu aragno Hadaynaan Cawinaad Aynan Ka helin walaalahooda Mirifle Dhulkii Digil Wuu Ku daayey Biyamaal Cawinaad ayey ka Heleen walaalahooda Dir iyo Isaaq La kiinse waxaa Haynaa Cadaymo Rag Mirifle Ku Abtirsada oo Hadana Caawiya Mooryaanta Kusoo Duushay Dhulkani Shabeelada Hoose Allahaa U maqan waa Inay Caawiyaan Mirifle Walaalahooda Digil Mooryaanta Markaasay Wax Arkayaan

  15. to@ DOOYLAND sxb waxa sheegtay in RRA dhuulka lo xoreyey kadibna ku duusheey diinsoor,

    sxb HABAR GIDIR xaniin yaheed kuma joogin bay and bakool, ee wada wadatay digil iyo mirifle oo adiga kow ka tahay IYO 6 kun oo OROMO ah. haseeyee OROMO oo qabiil ka mid ah qaba,ilada uga waweyn ETHOPIA iyo tigree oo ka mid ah qaba,ilda ethopia aya baydhabo maalin isu dagalay, waxayna aheyd hal maalin, ka hor iyo kadibna waxa dagaalamayay RRA iyo habar gidir,oo somali dhan iyo OROMO wadato.

    mida kale inaad si sahlan danbi ku gasho oo been ku shegto waa xaraam. mana ogin meesha mirifle xasuuq uga geystay walalaha dabare mana tihid qof xaqiiqda ka war haaya hadadan aheyn qof qarni kale joogo. LUWAAY iyo dabre aya is dagalay dagaalkana wa lagu kala ad kaada markay walalaha dabare dagaalka xooga looga abood roonaadey, ciidankii reer luwaayna isu daayeen inay diinsoor galaan, waxa hor istaagey digil iyo mirifle kale gaar ahan hubeyr,leeysan iyo geeledle, wana ku mahadiineyna dadkii arintaasi hor joogsadey wayo dad digil iyo mirifle aya sabab la,an loo dili laha..

    uga danbeeyn cayda nabada waxay ka wada colkana waxba kaaga ma tarto dabare iyo mirifle wa dad isu deegan oo walalo ah si sahlan cadow ha ku sameysan hadii ad u bahaan tahay inad calaad iyo dhibaato abuurto anaga mirifle ahan colka ma rabno inad wiil naga disho ama ka dilno ma rabno ee dad kala iska celinaynaaye deganadaada nabad u joog hadad u joogi karina wa ku kaliga, lakin waxa ku sheegaya wixii hawiye la so safta markasta wa laga adkanaya dadka uga liita oo la duleeya ayay ahaan doonan ama mirifle ahaaw ama digil ahaaw.

    inkasto mirifle xita ay ku jiran dad saas ah waxa uga yaabay walalaha digil
    1 ninka digilka ah qaraan inuu dhiibo ma rabo.
    2 ayaga dhexdooda qabiil inay isu caawiyan ama isugu gurmadan sida somalida oo dhan sameyso ma sameeyan
    2 nin digil ah oo afba aalle haka dhigee qadiyaad digil ama qadiyada guud digil iyo mirifle wax ku difacaya ama ka hadlaya arki meysid fadhi ku dirirba alle haka dhigee.
    3 arki meysid nin digil ah oo ka hadlaya arimo siyaadeed iyo qadiyaad guud ee digil iyo mirifle. inay dhimasho ogoladana iskaba dhaaf. war canshuun in lagu aadimo waxba ma tareeyso, habar gidir , sida hiiran ,kismaayo iyo baay iyo bakool looga so soomiyay dhulkiina uga soomiya hadii kale habar gidir iska sheegta awalba ayada idin laheyde.

  16. dhamaan waa salaamayaa daafeet.com
    aniga oo raacaya qodobka ah DIGIL HA IS XISAABIYO INTA AANU LA XISAAB TAMIN MIDHIFLE.
    waxaa jira reero badan oo ah qabiilada digil oo Dagan Somaliland oo aan aqoon cid ay yihiin isla markaa aan waqooyina ahayn barina ahayn koonfurna soo gaadhin
    sxbyaal ma u malaynaysaa in mudo 26sano ah
    aanan aqoon u lahayn cida iyo walaaladay
    oo qaarkood dil uGu xukuman yihiin gobolda maamulada leh ee somaaliya
    qaarkoodna oo dhiibay gacmo shisheeye
    sababtuna waa cid aan isu xisaab tamayn waa lagu wada xisaab tamayaa
    maalin wanaagsan
    nabaday

  17. Anigo ka xun sida aqoondarida leh u hadlayan dadka so qoray maqaalada dil iyo mirifle ayan waxanleyahay in digil iyo mirifle ay yihiin ul iyo dirked sidaas daradeed waxan leyahay ka firsada.
    Ilaah ha idiin tuso jidk hagaagsan Amiin.Hasbi Allah wa nicma wakiil.

  18. as waan ka xumahay meel aan kafileynay in dad walaalaheena jiro oo dhaji naga jiro mirifle haddii aanaha digil waan ku qanacsaneeyn waxii walaalaheyn mirifle qaato maanta in waxaas soo yeera la idiin kama fileysaneen dadka ku xun iyo ku fiican waalaga helaa balse digil laaluush qaatayaal ma ahan mirifloow waxaat ogaataa digil saaxada siyaasata adigaa uga soo horeeysay waxat ku qasban tahay in aat u dulqadatit aana xureeysit laaluush qaate iyo hawiye wax aan kaga fadhino ma lahan ee waa walidkaaga dhiboon dhibka iyo abaarta ka saar hakuu soo bara baxaan jiilaalka adag wabilaahi towfiiq

  19. ASC dhamaan waadku mahadsontihin bahda Daafeetnew.iyo qoraaga C/caziz sh Salah.hadii aanku bilaabo hadalkeyga waxaa nasiibdaro ah in Digil,Mirifle iyo inta ladegta dhulka Bay,Bakol iyo Sh Hoose in loogu qaado (baad) taaso loo micneeyay Canshuur.Waxaa kale nasiibdaro in dadka kasoo jeeda degaanka aan kor kusoo xusay ay kujiraan xerooyinka gudaha dalka iyo dibadiisa meeshay kasoo barakaceena ay utahay degaan dad kasoo jeeda Gobolada dhexe.kuwaaso usoomaray wada kasto oo ay ku hanti lahaayen barwaaqo soranka bay,bakol iy Sh Hoose.hadii aan isweydiino su’aal (sideykudhacday??? waxay kudhacday maamul la”aanta iyo kalsooni darada dhixtaala dadka kasoo jeeda deganka kuwaaso aaminsan in aanan leyska dhicikarin cadawga.qaarkootna cadowgaba lasaftay oo damiirka katagay oo xamar kudhexqaata hantidii dadkooda iyo deegankooda lagasoo dhaco waxyar lagasiyo.waa nasiibdaro in waayahanba bilaawatay dad liita ay sheektan dad kasii liita taaso aan ula jeedo kuwa xamar markay joogan noqda Hawiye marka kalana ah madaxda beelaha degaanka waa qorsha lagasoo shaqeeyay boqolaalsano laguna dagaalamay dhoor iyo 20 sano hadalkeyga waxaan kuso koobaya in laga hortago cadawga burcad dhulboobka kawada deegaanada aan korkuso xusay

  20. anigoo kuhadlaayo magaca qoomiyada Digil Gaar ahan beesha Shanta caleemood shacabka qoomiyada digil iyo siyaasiyiintooda waxay taageersanyihiin shirka kasocdo magaalada baydhaba 4jaablana manamatalo South West somaliya jiroo joog weligaa

  21. Sxb ukash marka hore wan ku salamaya tan labad ana kaga shekaynaya dagalka dabare iyo luway ana ku jiray dagalkas igama shekaynaysid qurigan kado qatay ayaan haystaa sxb luway iskada Rra xita wax igama qadin teda labad aniga ma mahmahadan huray o dhahdeen firi dabare dele doya dege dolay ma.aha taad aniga madhihin raxwayn baa dhahday tagrikhda dib urac

  22. asc walalaha dhamaan sln kadib mowduuca wa xasaasi hadaan wax ka iraahdo digil iyo mitifle oo sax ah majiro tusaale gare wa digil mana ahan hubeer wa digil mana ahan iyo qabaa ilka kale waayo waxey ku abtirsadaan 9 samaale ee xaqiiqda umada u sheega hadii kale wareerka wuu sii jiraa aniga mid ayaan qabaa in digilka saxda lamideeyo dadka kudeegaanka ah laga sooc tasi macnaheeda ma ahan in la yiraahdo naga guura ee waa inaan lagu tirin digil xitaa miriflaha ayaa sidaas ah hubeer daafeed wa digil kan bay iyo bakool wa mirirfle ee rer samaale samaalahooda haraadsadaan hadii kale rufyaanimo le soconeysaa

    mahadsanidiin

    • Aniga waxan dhihi laha bal dad ha hdle bal dad dhan oo tuugsanaayo oo meel walba iska yaala iyagiina aan waxba uqabaneynin wax hakaa shegaan teda kale bal adiga mirifle ah ii sheeg adigoo dikir kaliga ah ku socda nin wax loo meeriyo inaan tahay isma ogid miya marna darood sheego marna hawiye sheego marka hore isasoo sax nacableeye elaay hawiye ayaa tahay walagu yaqana ii kaal meey kkkkk

  23. Digil waxaa u tashadey dad shaley soo sheegtey 1954 tii,hadase si xoriyadiisa loo gaarsiiyo waa in ay layimaan qadiyad iyo mabda ay ku xoreeyaan dalkooda iyo dadkooda la dulmiyey.

  24. ASAC walaalayaal waxaan idiin leeyahay marka hore ilaah kacabsada oo caaayda iyo aflgaadada iska daaya waayo wax waliba oo xumaan ah waa laguu qoroyaa. marka aniga waxaan idiin leeyahay soo qora wax wanaagsan oo faa ido uleh dadka ama iska daa. teeda kale digil iyo mirifle waa dad walaalo ah oo aanan waligood kala maarmin meel kasta dunida haka joogaanee waxaan leeyahaya digil iyi mirufle hanoo laadaan cadawgoodana hajabo wabilaahi tawfiiq.

  25. Marka hore wan idin salaamay sln ka dib ,
    Wllha sharafta leh Digil dulmiga asaga ayaa isugu wacan wana Dayuus, dayuusna wan wada ognahay caqibadisa, teda kale Somali qabiil aaan lahen jilac iyo jarer wa yaryahay qasatan Digil iyo Mirifle, marka maxa sababay jilrca Digil ka dhashay inow wllkis asaga lidayo kii jarerkana hadii la liiday asagana wow isku saxay hadan been la shegeyniin hawiya iyo Daarood iney xuquuqdada ku diidan waxa keenay kuwa badan oo Digil ah hadana jilrc ah ayan aminka ku qabin inow magac digil u dhaqdhaqaqo oo leh adiga jilec ayad tahay kuwan maxa ka galay sidaad daradeed wllhis asaga suuq inow geyaay ibiyaay,
    Kuwi la iibiyaaay ayagana waxey naqden ayna iska dhigen wllhod jilicda hadey saas yeleen ineysan far ama ficil midna sameyniin,
    Aniga waxan ahay qof Shanta Calema ah hadan waxan ogahay kuwa anaga naga mid ah xaquda inaan la siinin teda kalana 5 caleemo dhexdooda aay ka jirto sidan shegayo oo ah qolada jilecda ah maamul iyo Godomiye iyo wixii hal maalo ayaga inow ku koobnado maxa diiday kan timaha jareerka leh naqdo masul xita godonka Degmada cifan Erdha eheen ma laha kitaab mey ku qorantahay tas waa maya, aniga degmooyinka kale ee Sh, Hoose kama warmo keyga markan ka hadlo anaga ayaa is dulmeyno goorme ayan Digil xaquuq ka maqan wllhen la radina xisabtanka waxa loo bahan yahay inow ka soo bilowdo qabiil kasto dhexdisa ka dib guud ahan loo wada radiyo , marka sunta na duran waa duunta inaan wax ka aragno ka hadalno ee sharaftena tahay mis suuqa taalo oo lacag lagala baxayo cidi rabtana ibsan karto , Mirifle dhexdisa waa is ogyahay dhereg iyo dheef baahi wax walba Digilow ismaba oged ee maxad dad la xisabtanta afkiina haku xirmina waxad mirifle ola tageysin adinkoi ayaaba qayaano ka wada sameysan Haawiye iyo daarood wllnana ma tihiin degankana adiga ayaa sistay bal mala arko qof dhahayo wan wada degna gobolada bari xil ayan doonaya oo ka soo jeedo Digil xita Mirifle adiga sideed ku yeshay in lagu dhaho wan wada degna xilka wax iga sii Digil dib iskugu naqda

Comments are closed.