Ma Waxaan Nahay Digil iyo Mirifle Mise Raxaweyn(Sagaal iyo Sideed)?.

1
2310

Guud ahaan taariikhda sooyaalka ummaduhu waxay ku arooraan silsilado taxana ahaa oo kolkii dood tan oo kale timaadana dib loogu laaban jirey taariikhdaas iyo diiwaankeeda”Soohdin dhuntay Ab ayaa loo celiyaa”

Dabcan waxay noqotay su’aashan mid aad u soo laalaabatay isla markaana sabab walba raad haku yeelatee aan weli laga bixin jawaab cad oo weliba lagu qanci karo,Anagoo taa ka duulaynana waxaan dhankeena isku dayi doonaa in dib u qaadno raadka taariikhda Digil iyo Mirifle ka hor inta aynaan ka hadlin taariikhda maanta qormaysee Raxanweyn(Sagaal iyo Sideed) lagu soo koobay Qawmiyadii Digil iyo Mirifle.

Waxaan inaba shaki ku jirin in taariikhda casriga ah ee Qawmiyada Digil iyo Mirifle diiwaankeedu uu ku cad yahay qaabka iyo habkii awood qaysiga Siyaasada Digil iyo Mirifle kolkii loo gudbay nidaamka casriga ah ee dowladnimada hada jira ee nalooga soo safriyay qaarada yurub gumaystihii reer yurubna nagu dabaqeen.

U fiirso Akhristaha qiimiga iyo qaayahaba mudanoow Aas-aaskii HDMS(Hisbiya) waxa uu tusaale cad u ahaa kana run sheegayay qaabka ay Qawmiyada Digil iyo Mirifle iyo Dhulkeedaba uu uga dhexeeyay xiriir adag oo ku qotoma is Ixtiraam,Tixgelin iyo waliba is ogolaansho ay iswada ogolaayeen dhamaan bahdii ku abtirsan jirtay Digil iyo Mirifle oo xiligaasi kala ahaa Digil,Raxanweyn(Sagaal iyo Sideed),Jareer iyo GibilCad.

Bal mar kale dib u fiiri Cadaaladii Hisbiya iyo hogaankeedii dabcan kolkaan soo qaado hogaanka waxaa hubaal ah in inbadan oo ka mid ah dadka Qawmiyadan u dhashay ay maantaba weli xasuustaan Gudoomiyhii Hisbiya ee Koowaad Sheekh Cabdulaahi Bagadi,Dabcan waxa uu ahaa Digil,Waxaana xilkaas kaga danbeeyay oo isagana Gudoomiye Xisbiya noqday Jaylaani Sheekh Bin Sheekh waxa uu ahaa Barawan dadka aan maanta ugu yeerno cadcadka(Others) Waxaa xigay Axmed Mursal waxa uu kasoo jeeday Duubane oo waxa uu ahaa Jareer oo maanta waa (Others) Waxaa xigay oo isagoo Gudoomiye ahna Kacaankii Milatarigu 1969kii ku dhashay Malaaq Xaaji Mukhtaar dhamaantoodaba Janadii Firdowsa ahayd ALLAH haka wada waraabiyee.

Dhalashii Kacaankii Milatariga waxaa guud ahaan dalka ka hirgalay Nidaam ay Ciidamadu horseed ka ahaayeen kaasi oo nidaamkii Dimogoraadiga ahaa iyo Hay’adihiisuba Irdaha isugu dhuftay dalka iyo dadkubana waxay galeen xili aan lagaba hadli karin Siyaasada dalka iyo Asxaab midna,wakhti kadib waxaa daciifay awoodii saraakiishii ciidanka waxaana u cadaatay in beelaha la’aantooda aanu Kacaanka shaqeyn karin xilgaasina Digil iyo Mirifle Milatarigu waxay siyaasiyan ku soo koobeen Digil iyo Mirifle(Sagaal iyo Sideed).

Waxaa burburay maamulkii Kacaanka 1991dii waxaana Dhashay SDM hayeeshee SDM ma noqon mid ka badbaadisa ummadda dabinadii ay dhigeen Madaxdii maamulkii milatariga ee ahaa in Digil iyo Mirifle ay matalaadooda siyaasda dalka ku qotonto habkii Kacaanka oo ahaa Digil,Sagaal iyo Sideed.

Ogow akhristaha qiimiga iyo qaayahaba mudanow,Xiligan dib loo yagleelay SDM waxa uu ummaddu u ahaa fursad ay dib ugu hanan karaan wixii ka lumay mudadii Kacaanka talada dalka hayey iyadoo sidoo kalena ay aad sahlaneyd in hogaanka SDM uu dib u milicsado Xisbigii kaga horeeyay hagida Siyaasada Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee Hisbiya isla markaana ururka ku soo xirto dhamaan qaybihii kala gedisnaa ee kuwada abtirsan jirey Qawmiyada Digil iyo Mirifle taasi oo aan dhicin.

Hardan badan oo siyaasdeed oo jiray ayaa waxa uu horseeday in fursado badan oo jirey aan laga faa’iidaysan oo la dayacay,Hogaan xumo,Aqoon Daro iyo Kalsooni la’aana waxay sababeen in sedbuursi iyo Indhacadeys qadiyadii la huwiyo iyadoo xaalka sidan uu yahay ayaa waxaa dhashay ururkii RRA oo runtii ahaa ururkii ugu horeeyay ee Qadiyada Qawmiyada Digil iyo Mirifle u bedelay Qadiyad beeleed oo ay ka dhexeyso oo kaliya dadka ku abtirsada Raxanweyn(Sagaal iyo Sideed)Inkasta oo ay RRA-du guul ka gaareen xoreynta dhulkoodii Baay iyo Bakool ayaa hadana waxay RRA-du ku guul dareysateen inay magacii Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay ku matalaan Masraxa Siyaasadeed ee Dalka oo shirkii Carta guul daradii kasoo gaartay ururka RRA-du tusaale inoogaga filan.

Guul daradii RRA-du kala soo kulmeen Carta waxay hogaankii ururka ku noqotay qaadan waa,si ay uga soo kabtaana waxay ku dayeen siyaasada in Maamul goboleed magaca Qawmiyada lagu dhiso si ay uga samata baxaan caradii Qawmiyada taasi oo keentay in ugu danbayn madaxdii ururka RRA-du ku dhex dagaalamaan magaaladii Baydhabo Janaay”Labadii Xaq Daro ku heshiisaa Xaqay ku dagaalama”.

Burburkii RRA-da kadib ayaa waxaa markale masraxa Siyaasada Qawmiyada kasoo muuqday kooxo yaryar oo iyagu isugu jirey Aqoonyahano,Mas’uuliyiin maamuladii KMG ahaa iyo Ganacsato kuwaasi oo soo bandhigay in Digil iyo Mirifle IYADA laga saaro kadibna uu dhawaqa noqdo DIGILMIRIFLE sidaasina Qawmiyadu ku noqoto mid midaysan,Kooxdan danlayda ayaa iyagana fekerkoodu ku qotomay in magaca Qawmiyada Digil iyo Mirifle loo isticmaalo in loogu adeego Sagaal iyo Sideed oo kaliya.

Siyaasiyiin hogaanka Qawmiyada ka munaafiqeeyay iyo Ganacsato garab kaga helay falkooda ayaa ugu danbayn Dhulkii Qawmiyada labo maalin cad loo laka gooyay iyadoo qaybtiina haatan ay in yar ka harsantahay oo weliba hadaan hada loo kicin ay Taariikh iska noqon doonto oo sheekadu lagu soo koobo “Waabaa jirey dad Digil iyo Mirifle la yiraahdo dhulkaan degenaan jirey”

Guntii iyo Gabagabadii Qawmiyada Digil iyo Mirifle inay noqoto qawmiyad hanata Maamulka Dadkeeda iyo Deegaanadeeda kama sokayso inay dib ugu noqoto casharadii Hisbiya laga bartayna la dabaqo, hadii kale waxa aan haatan ka hadleyno waa Qawmiyadii oo Sagaal iyo Sideed kusoo haray iyadoo aan hadana dheereyba xiliga Qawmiyadii Digil iyo Mirifle lagu soo koobi doono beelaha Sideed iyo magaalada Baydhabo waa hadaanay maantaba sidaa ahayne!

Qalinkii
Abdiaziz ShSalah.

1 COMMENT

  1. asc akhii iima muqato wax wayn oo micno ku fadhiya inad ka hadashay hada waxa fiicnan lahayd wax mufiid ah oo bulshadana ay ka faido inad noso dhigto mesha.
    wa mahadsan tahay

Comments are closed.