Kashifaad..Dhulkay Qoriga ku Waayeen Ayaa Maanta Shariif Sakiin Rabaa Inu Xalaaleeyo

4
169
Kadib kolkii Daafeet Media ay ka war heshay inuu socdo qorsho uu horboodayo Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga maamulka KoonfurGalbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo Gacan ka helaayo Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan laguna doonayo in guud ahaan Dadka ku nool gobolka Shabeelaha hoose lagu dhaco dhulkooda iyo  maamulada deegaanadooda iyadoo loo maraayo Qorshe qarsoodi ah oo ay horboodayaan shakhsiyaad loo idmaday fududeynta howshan.
*Qorshaha
Qorshahan dhagarta weyn xanbaarsan ee Shacabka Shabeelaha hoose uu u maleegayo Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirkiisa wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa waxa uu ku qotomaa sameynta Gudi kasoo baaraan dega habka loo dhigayo Qorshaha Maamul iyo Horumarinta gobolka Shabeelaha hoose iyadoo sidoo kalena gudigan qaban doono howlo ay ka mid yihiin Tirakoobka dadka, Ka talo bixinta Doorashooyinka iyo Dhismaha golayaasha deegaanka,Gudigan ayaa noqon doona mid dhismihiisa loo maro laba weji,Wajiga koowaad ee gudigan ayaa waxaa laga dhisi doonaa degmooyinka Wanlaweyn,Afgooye,Qoryooleey iyo Barawa halka Wajiga labaadna ay ku jiraan Degmooyinka Marko,Awdheegle,Kurtunwaareey iyo Sablaale.
Gudigan ayaa waxa uu ka koobnaan doonaa Sideed xubnoo degmo walba laba ka mid ah Sideeda xubnoodna waxay noqon doonaan Haween halka xubnahan Sideeda ah ay noqon doonaan kuwa masiirka degmooyinka gobolka gacanta loo gelindoono.
Hadaba kolkii ay soo baxeen wararkan ayaa Daafeet Media waxay Xiriiro kala gedisan lasameynay Qaybaha ay arimahan khusaynayeen oo ay ugu horeyso Hay’ada maalgelinaysa howshan ee IOM(International Organization for Migration),In ku dhow 40 Xubnood kuwaasi oo isugu jira Mas’uuliyiinta madaxtooyada Maamulka KoonfurGalbeed,Xildhibaano,Wasiiro,Dhaqanka iyo weliba Xubno aad ugu dhow maamulka.
*Natiijada Xooraansiga Daafeet Media.
1- Hay’ada IOM (International Organization for Migration) Waxay inoo xaqiijisay inuu jiro Qorshaha isla markaana ay iyaga uga danbeeyaan Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga maamulka KoonfurGalbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush kana dhul sugayaan hadba sida uu u soo qabto howsha.
2- Mas’uuliyiin diiday in magacooda loo isticmaalo saxaafada ayaa inoo sheegay in Gudoomiyayaasha degmooyinka Wanlaweyn,Afgooye,Qoryooleey iyo Barawa in lagu war geliyay inay min Sedex xubnood ay ka soo qoraan Degmooyinkooda una soo gudbiyaan magacyadaas Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga maamulka KoonfurGalbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.
FG. Xubnaha loo direy gudoomiyayaasha degmooyinka inay ka soo qoraan degmooyinkooda waa min sedax Xubnood iyadoo qorshuhu yahay min Sideed xubnood in degmo walba laga soo qoro.
3- Intii aan ku gadajirnay xiriiradan kala gedisan ee aan la sameynay xubnahan muhimka ah ayaa waxaa inoo cadaatay in Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga maamulka KoonfurGalbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo gacan ka helaayo Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu diyaariyay Xubno kasoo jeeda Beeshiisa oo ka kooban 40 Xubnood kuwaasi oo degmo walba oo ka tirsan degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose ku yeelan doona min Shan xubnood halka xubnaha deegaanka ee ay soo qori doonaan gudoomiyayaashuna noqon doonaa 24 Xubnood oo kaliya.
4- Daafeet Media waxa sidoo kale ogaatay in Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Adan Cali(Najax) aan lagu wargelin qorshahan sidaa si lamid ahna waxaan qorshahjan waxba laga ogaysiin Madaxda Dhaqanka deegaanadan iyo Ururada Bulshada.
5- Sidoo kale Daafeet Media waxay Ogaatay in Xildhibaano kasoo jeeda Shabeelaha hoose oo damcay inay Shariif Xasan kala hadlaan arimahan iyo Khatartooda ayaa waxay Shariif Xasan kala soo kulmeen Hanjabaad.
Dhacdadan murugada xanbaarsan ee kusoo fool leh Shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay imaaneysaa 27 Sanno ka dib kolkii beelaha Duulaanku ay ku guul dareysteen in qori caaradiis ay ku maamulaan dadka iyo deegaanka gobolka Shabeelaha hoose iyadoo maantana ay door bidayaan inay siyaasada gobolka Gacanta ku dhigaan iyagoo Gacan ka helaaya Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaga tan iyo intii uu ku soo biiray siyaasada Soomaalida uu Kabaqaad u ahaa beelaha Duulaanka maanta uu ku khaatimaystay inuu maxaysato ka soo duulaan tagay gobolada dhexe ee Soomaaliya u adeegsato Ehalkiisa “Doqoney Dabkaa Ba’ “.

4 COMMENTS

  1. Hadal wax ma taro ciidan hala dhiso. Maxaa ku diidantihiin Biimaal kuma jiri doono kuwa dhulkooda la qaadanaayo maxaa yeeley wuu dagaalamaa lkn Digiloow shariif wax idin kama qaadaayo hadaad ciidan dhisataan hadal dhaafa wlhi wax kale uma baahna xornimada ilaa dagaal idinkaa doqon ah dhulkiina dad naf lacaari ah uga cararaayo hal maalin maan maqalno ciidan digil ah oo shabeelaha hoose ka dagaalamaayo doqoney dabkaa ba’

  2. ASC waxaan ku raacsanahay walaalkey ABDI reer DIGIL waa in ay fadhiga ka kacaan oo ciidan sameystaan oo ay dagalamaan hadii kale isticmaar ha u diyaar garoobaan maxaa u diidey inay dagalamaan???

  3. SU’AL DIGIL DHULKA INOW LEYAHAY MA CADAHAY ?
    HADOW LEYAHAYNA MAXA DIIDAY INOW DHULKIISA DHEXDA U XERTO DADKA ISKA DHICIYO ?
    TEDA KALE MAXA LOO WAYAY DIGIL OO ISKU YIMADO OO KA TASHADO AYAHOODA AYAGO MIRIFLA KA MAQAN?
    MISE MIRIFLE LA’ANTIIS WAX MA NAQAN KARTAN AYEEY KITAAB KA AQRISTEN KULEY KITABKA ALLE BEEN KAMA SHEGAYANE, BY, OMAR M,I ABU 7

Comments are closed.