Akhriso: Taariikh Nololeedkii Madoobe Nuunow oo kooban (1948-kii-2017-ka).

0
99

Madoobe Nuunow Maxamed waxa uu 1948-kii ku dhasahay degmada Diinsoor ee gobolka Baay Soomaaliya. Waa Siyaasi muddo dheer kasoo mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Maahayn Mudane Baarlamaan oo kaliya ee sidoo kale waxa uu lasoo shaqeeyay dowladdii militariga ahayd ee Siyaad Barre, isaga oo ururo xiligaa jiray kasoo qabtay jagooyin.Hase ahaatee Nuunow waxa uu 1960-aadkii ku dhamestay Dugsi Hoose iyo Dhexe degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Soomaaliya, halka intii u dhaxeysay 1970-aadkii uu Dugsigiisii Sare ku dhameeyay degmad Howlwadaag ee Gobolka ka tirsan.

Dhamaadkii 1970-aadkii waxa uu Madoobe Nuunow ku qaatay tabarka Dugsiga Tababarka Xalane ee Muqdisho, isaga oo 1979-1980 shahaado heer Diploma ah oo uu ku bartay Cilmiga Siyaasadda ka qaatay Machadka Culuumta Siyaasadda Xalane ee Muqdisho. 1983-1984 ayuu Nuunow ka qaatay Mahadkii SIDAM Diploma ah Maamulka & Mareynta.

Waaya-aragnimadiisa Nuunow waxa uu 1966-1968 ahaa xubin ka tirsaneed SYL, oo u joogtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Soomaaliya, iyada oo uu 1974-1976 ahaa Karaani ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu u joogay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Intii u dhaxeysay 1976-1978 ayuu ahaa Madaxa Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha degmada Diinsoor, halka 1977-1978 uu ahaa Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada XHKS ee Diinsoor.1980-1981 waxa uu Madoobe Nuunow ahaa Kaaliyaha 1-aad ee XHKS u qaabilsanaa degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelada Hoose, Soomaaliya, iyada oo uu sidoo kale 1981-1983 ahaa Kaaliyaha 1-aad XHKS degmada Beled Xaawo ee Gedo.

1985-kii waxa uu Nuunow noqday Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Diinsoor, halka 1987-1990 uu ahaa Xoghayaha XHKS & Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe.Intii u dhaxeysay1991-1992 waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Samata Bixinta degmada Diinsoor, xilgii ay taagneed xaaladda adag ee ka dhalatay eryiddii Taliskii Militariga ahaa ee Soomaaliya xakumayay 1969-1991-kii.1995-kii waxa uu Madoobe Nuunow Maxamed ka kid ahaa Aasaasayaashii Jabahaddii Rahanweyn Resistance Army (RRA).

Dowladdii ugu horeysay ee KMG ahayd ee la dhisay 2001 ayuu Nuunow ka noqday Xildhibaan, ilaa 2012-kii ayuuna ahaa Xubin Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsaneed.

Nuunow waxa uu 2004-2007 ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, iyada oo uu 2007-2008 ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, halka 2008-2009 uu sidoo kale ahaa Wasiirka Dhaliyarada iyo Cayaaraha. 2009-2010, Nuunow waxa uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Federalka Soomaaliya, hal sano kadibna, 2011-2012 waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka.

2012-2014 waxa uu ka mid ahaa Xubnihii Guddiga Farsamada ee loo dhisay Dhismaha Maamulka Koofur Galbeed.

Wuu soo noqday Madaxweynihii Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lixda Gobolka,

2014-2017 bishii lixaad waxa uu ahaa Wasiir kii xanaanaga Xoolaha KGS,

30-July ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS, aniga ayaana akhriyay waraaqda ku dhawaaqistiisa, Madoobe wuxuu ahaa saaxiib qaali ah illaaha ha naxariisto.