JACEELKII ASAD IYO BOQORDA (Qeybta 2-aad)

0
229

Asad wuxuu ku bilaabay hadalkiisa salaan mida bani`aadamka isku salaamaan mida ugu qaalisan lagana helo ajar iyo xasanaad, intaas kadib wuxuu mahad u celiyey alihii raxmaanka ahaa ee wax waliba dhankiisa ka imaanayeen, kadib wuxuu u mahad celiyey wafdigii isugu jiray Soomaalida iyo reer Yurub, Asad wuxuu ku hadlaayey Afka maayga waxaa hadaladiisa ka mid ahaa.

UMUDOO AFKOO II ISIRKOO ISKI EH
ABLEEYTA INIIS HAAYSITHAANO
ASAR II HAMIIN IS UGAARSIDAAYAANG
UJEEDSHOO ING GOROTHAANE ENAA,
ARIIR II DOGAAL MAL ING TURAAW,
AAYOWNA BOORAASO ARHANG LIINGki GALAANE,
ABAARO DHIYAAWNA UNILEEY AAW IN EH
ANIINA NOOLADO ADIINA IING AMUUD
AMARKAAS UNOO KI ROOGNO
ISINA ABAAL II ARHANG IYEE NIING WEDAANE
CEELA NIING QODAHAAYTAANG,
ARLA AMAANG EH IYEE KU KOOYTEENI WAANA
HANIING ADEEGTEENI
ABAALA NII LETIING UNIINA SIING OGNA.

Asad hadalkiisa intaas wuu kabadnaa balse waan soo koobay, hadaba Turjumaankii sidii caadadiisa aheeyd muusan wafdigii cadaanka ahaa ku dhihin aniga Afka Maayga ah ma garanaayo bale sidii malihiisa aheeyd ayuunbu ku fasiray, misna jawaabta eey bixiyeen wafdigii reer Yurub siduu jecleeystay ayuu hadana ugu fasiray odayadii reer Manaas. intaa Asad wuu taagnaa wuxuuna aad u dhuuxayey habka uu u fasiraayey Turjumaanka iyo sida uu qaladkiisa ugu sii adkeeysanayey.

Asad ayaa mar labaad turjumaankii ka codsaday inuu hadlo isagoo misna kula hadlay afka Maxaatiriga turjumaanki wuxuu ku yiri si kaftan ah oo hadaad afka soomaaliga garaneeysid maxaad ugu hadli weysay isagoo qoslaaya, Asad isagoo dhoola cadeeynaaya ayuu yiri oo midkaan ku hadlaayey miyuusan Afsoomaali aheeyn,turjumaankii wuxuu yiri waa Af Soomaali balse waa af Maay maay, Asad wuxuu turjumaankii ku yiri waxaan filayaa in dadkeena soomaalida ah wax badan jaahil kayihiin balse waxaa qurux badan inaadan qaladkaaga ku sii adkeeysan ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

wuxuu bilaabay Asad inuu hadlo wuxuu ku hadlaayey afka ingiriiska ah midka eey ku hadlaan reer Britian, wuxuuna guda galay inuu saxo qaladaadkii soo dhacay ee ahaa Odayadii reer manaas iyo Turjumaankii dhamaan isagoo hadba si degen su`aal u weydiinaayey wafdiga una turjumaayey Odayadii meesha joogay, inta Asad uu hadlaayey weydiinaayey Su`aalaha misna u turjumaayey odayada.

Wafdigu waxeey aad ula yaabanaayeen ninka hadlaya oo ey ka muuqato diif aad u daran sitana laba GO` oo dhamaad ah una muuqda nin aan weligii magaalo arag misna ku hadlaya luqada ingiriiska eey ku hadlaan dadka reer Britian, iyo misna degenaantiisa iyo habka uu isugu kalsoonaa waxey wafdigu ku noqotay mid qof waliba oo iyaga ka mid ahaa maskaxdiisa iyo naftiisa su`aalo badan is dhaafsadaan jawaabahana runtii eey ku adkaayeen ineey naftu ku qanacdo, hadalkii markii uu dhameestay Asad fadhigiisi ayuu kusoo laabtay, shirkii ayaa lasoo gabababeeyey wuxuuna ku dhamaaday si aad u qurux badan.

Wafdigii reer yurub iyo ninkii soomaaliga ahaa waxeey aad u daneeynayeen ineey la kulmaan oo eey la sheekeestaan in yar Asad. ninkii turjumaanka ahaa ayeey waxeey ku yiraahdeen ninkii afka ingiriisiga ku hadlaayey ayaan u baahanahay ee waxaan kaa codsaneeynaa inaad noogu yeerto, Turjumaanki wuxuu u yimid Asad kana codsaday inuu raaco hadii uu raali ka yahay una sheegey in wafdiga eey kasoo codsadeen in eey isla kulmaan.

Lasoco qeybta 3-aad maalinta Sabtida ah insha allah
Qore iithow