Comments on: Ganacsato Xoolahoodii Lagu Bililiqeystey Koonfur Africa http://www.daafeet.com/2015/03/05/ganacsato-xoolahoodii-lagu-bililiqeystey-koonfur-africa/ News iyo Barnaamijyada Redio Daafeet Thu, 05 Mar 2015 16:49:23 +0000 hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.2 By: Hassan H Abukar http://www.daafeet.com/2015/03/05/ganacsato-xoolahoodii-lagu-bililiqeystey-koonfur-africa/#comment-4111 Thu, 05 Mar 2015 16:49:23 +0000 http://daafeet.com/?p=19484#comment-4111 Faarax Xirsiyoow, Waa Runtaa in Dadka qaar ay Lacag xaaraan ah in ay hoowshoodi ku wataan Laakiin ayaa meesha jirta- Qaar kale ayaa jira oo Lacag dadkoodii dibadaha jira ku kaalmeeyey oo sidaasi ku sameesteen Ganacsigoodii, Qaarka kalena waxay soo gatteen Guryohoodii ama Beerahoodi oo ka dib ku bilaabay Ganacsigoodi.

Kuwa Xaaraanta ku billaabay ganacsigoodii ayaguba way ogyihiin Ciqaabta ay ka muteeysan karaan Rabbigii Na Abuurtay!

Kuwa Beerahoodii gadayna dan ayaa ku kaliftey oo maxaa yeelay nin isaga oo kale ayuu ka ooga baqay xoolihiisa oo wuu iska dhicin waayey kolkaa ayuu u dhoofay waddan shisheeye, Beerihiisa wuu tacban waayey nabadgelyo xumo darted.

]]>
By: farax Xirsi http://www.daafeet.com/2015/03/05/ganacsato-xoolahoodii-lagu-bililiqeystey-koonfur-africa/#comment-4110 Thu, 05 Mar 2015 15:11:26 +0000 http://daafeet.com/?p=19484#comment-4110 ADEER CARABTA WAXEY KU MAAH MAAHDE ” MALUL MAA’ ILAL MAA'” TAASOO MICNAHEEDU YAHAY WAX WALIBA SIDUU KU YIMID AYUU KU DHAMAADAA.

KUWA AAD KU SHEEGEYSO GANACSATO MA WEYDIISEY XAGEY KA KEENEEN HANTIDA AY KU GANACSANAYAAN?
CADDEYN WAAFI AH OO KU SALEYSAN XISAAB SAX AH OO XALAAL AH MA U HAAYAAN GANACSIGA IYO HANTIDA AY KU SHAQEEYAAN?

ANNAGA WAXAAN OGNAHAY IN HANTIDAAS AY MARKEEDII HOREBA KU TIMID DHAC IYO BOOB QORI CAARADIISA LOOGU GEEYSTEY MASAAKIIN AAN IS-DIFAACI KARIN IYADOO LOO SOO MAREY DAGAAL LOOGU DAN LAHAA IN LA ABUURO TUUGO GANACSATO AH , TUJAAR XARBI IYO KUWO AY KA DHIGTEEN SIYAASIYIIN.

WAXAAN HUBAA IN KUWAAN AAD KU TILMAANTEEN GANACSATO AY KU DAMBEYN DOONAAN HALAAG IYO BUR BUR KA BADAN KII AY KA SOO GEESTEEN SOMALIA, KUNA DHAMAAN DOONAAN IYAGA IYO HANTIDOODA XAARANTA AH ADUUNKA DAAFAHIISA KALA DUWAN, LAGUNA SALLIDI DOONO KUWO IYAGA KA JABAARSAN KANA AWOOD BADAN SI LOOGA ABAAL MARIYO DEMBIYADII AY KA GEESTEEN SOMALIA, AAKHIRANA XISAABTAN ADAG AYAA SUGEYSO.

]]>